War Deg Deg Ah: Qaar Ka Mid Ah Madaxda Al-Shabab Oo Isku Soo Dhiibay Xukuumadda Farmaajo

Soldiers from the Kenya Defence Forces (KDF) patrol inside the Garissa University College compound that was the scene of last week's attack by al-Shabab gunmen, in Garissa, Kenya, Monday, April 6, 2015. Kenya launched air strikes against al-Shabab Islamic militants in Somalia on Sunday afternoon and early Monday morning, following the extremist attack on a Kenyan college that killed 148 people, a military spokesman said. (AP Photo)

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in 50 dhalinyaro ka tirsanaa Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen, iyagoo ka faa’ideysanaya cafiskii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay.

Wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa sheegay in dhalinyarada ay bilaabeen inay isa soo dhiibaan labadii bilood ee u dambeysay.

“50 dhalinyaro oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, waxay ka faa’ideysteen cafiska uu Madaxweynaha Jamhuuriyada u fidiyay”ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya

Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii April ee sanadkan ugu baaqay dhalinyarada la qalday ee ka tirsan Al-Shabaab inay isku soo dhiibeen dowladda Soomaaliya, isla markaana uu cafis u fidiyay muddo 60 cisho gudahood.

Dowladda Federaalka ayaa gacanta ku heysa xarun dhaqan celin ku taal magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku jiraan boqolaal dhalinyaro oo horay uga soo goostay Al-Shabaab.

Comments

comments

SHARE