Somaliland: Xisbiga Waddani Oo Dagaal Siyaasadad Oo Ka Dhan AH Xisbiga Kulmiye Bilaabay Markay Arkan Daya

Kooxda Banfadhiga iyo Barakacayaasha Siyaasada ee Hore ula baxday Garabkii Isbedeldoonka Xisbiga Kulmiye iminkana ka mida Hogaanka Sare ee Xisbiga WADDANI oo Beryahan ku Jiray Afkiibaa Juuqda Gabay ayaa Maalmahan Baalasha la Soo Kala Baxay, iyagoo Muddo Qaarkoodna Debed Wareeg ahaayeen Qaarkoodna Maqaaxiyaha iyo Goobaha Fadhi Ku Dirirka Ka dagaalamayey,

Kooxdan ayaa iminka Waxay Dhigeen Shax Cusub oo Saldhigooda u Weyn ay ka dhiganayaan Magaalada Burco iyagoo isku Qanciyay in Guushu ku Jirto Gobolka Togdheer iyo Codbixiyayaasha jooga Waxaanay Qaadayaan “ANIGABA TOGDHEER BAA TIRIIIGU IIGA BAXAYOO TAASHKU IIGA MUUQDAA”iyagoo dhinaca kalena helay xan hoose oo ka soo fakatay xisbiga kulmiye iyo Masuuliyiintiisa ugu Saraysa Waxaanay Kooxdan Barakacayaasha Siyaasadu Durba Gacanta u Dhiibeen Beelo Hore ugu Abtirsan Jiray Xisbiga Kulmiye isla markaana ka mid ah Tiirarka Waaweyn ee Gobolka Todheer ee Xisbiga Kulmiye ku Taagnaa.

Iyagoo Kooxdan Barakayaasha Siyaasada oo uu Hogaaminayo Laacibkoodii Caga Baruur oo Mudooyinkan dambe Hungo iyo Fadha Madhnaan kala soo Hoyday Beeshiisa oo Markii Hore Lagu Waday inay Gacanta ugu Jirto Balse Safarkii Qurbaha iyo Kii Ka Horeeyay ee hogaanka WADDANI Gudo iyo Debedba ku Maray ay Ku Cadaatay inuu Keligii Sanka uun Caano ka keenay oo aanay Jirin Cid beesha ah oo uu Wax u Sheegi Karaa Balse intii Bishan Ramadaan lagu Jiray Waxa soo Baxaya Hadalo Badan iyagoo Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Xoogga Saaray Xiniinyo iyo Xoolaba inay Dul Dhigaan Beelaha ku Abtirsada Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer Balse Hogaanka Xisbiga KULMIYE ee Isu Bogayaal ayaan Wax War iyo Wacaala ka hayn Halka Xaaladu Marayso Waxaynu Wax badan ogaan Doonaan Haddii Eebbe ina Gaadhsiiyo Marka Laga Baxo Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Comments

comments