Somaliland: Dagaalkii Xisbiga Waddani Iyo Kulmiye Oo Ka Istaadhmaya Beesha Gobalka Hawd

Dhawaaqa Wasiir Qabo Oo Dad Badani U Fahmeen Mid Lagu Soo Jeedinayo Dareenka Beesha Arab, Hoosna Loogu Dhigo Doorka Cabdiqaadir Jirde

Wasiirka qorshaynta qaranka Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu u taagan yahay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi dabadii, waxaana uu sheegay inuu ka tartami doono xisbiga dhexdiisa.

Inkastoo uu Wasiiro Qabo ku dhawaaqayn hankiisa siyaasadeed ayaa hadana waxay dad badani u arkaan in ujeedadiisu tahay sidii uu miisaan ugu yeelan laha xisbiga dhexdiisa isagoo iminka ka mid ah wasiirrada ugu muhiimsan ee xukuumadda KULMIYE, hadana waxay dadka siyaasadda faaleeyaa damaca Qabo ku macneeyeen mid ismuujin u badan.

Geesta kale maadaama uu wakhtigii doorashadu dhawyahay ku dhawaaqista wasiir Qabo ee guddoomiyaha KULMIYE ayaa ah mid uu culays ku saarayo xisbiga WADDANI oo beesha uu Wasiiro Qabo ka soo jeedo taageero badan ka haysta, arrintan ayaa la micno ah in dhawaaqa Maxamed Aadan Qabo uu ku metelo hogaanka KULMIYE si loo kala jebiyo beesha gobolka Hawd (Arab) maadaama ay Guddoomiye ku meel gaadh ah ku haystaan xisbiga Mucaaridka ah.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ah guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga WADDANI ayaa saamayn buuxda ku leh beesha Arab, waxaana tan iyo markii xilkaas loo magacaabay ay u muuqatay inay beeshiisu marba ku sii dhawaanaysay in keffadda taageerenimo ay ujanjeedhiso dhinaca WADDANI, waana ta haatan keentay in Wasiir Qabo goor aan munaasib ahayn.

Comments

comments