Somalia: Ugu yaraan 10 qof oo lagu diley dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

Ku dhawaad 10 qof ayaa ku geeriyoodey dagaal beeleed ka dhacay gobolka Hiiraan maalintii Salaasadda gelinkii danbe. Dagaalka ayaa ka dhacay Beenyaaley oo ku dhaw Maxaas gobolka Hiiraan.

Dhamaan dadka ku dhintey dagaal ayaa ah labadii dhianc ee dirirtu u dhexeysey., sida laga soo xiganayo guddoomiye ku-xigeenka degmada Maxaas oo waraysi siiyey VOA. Dagaalka ayaa sidoo kale kjeenay in dad badan ku dhaawacmaan kuwaas oo la kala geeyey Isbitaalada Guriceel iyo Beledweyne oo ay beelaha diriray ka soo kala jeedaan.

Sababta dagaalku u dhashey ayaa lagu sheegay in ay tahay mid kamid ah beelaha dirirta gashey oo dooneysey in dhul daaqsin ahaa ay deegaameyso oo baraaago ka qotaan halka tan kale ay diidan tahay.

Dagaalada Beelaha ee gobolka Hiiraan oo marar badan soo noq-noqdey ayaa galaaftey nolosha dad badan.

Comments

comments

SHARE