Diyaarad Cusub Oo La Shaaciyey In Ay Duulimaadyo Ka Bilaabi Doonto Garoonka Hargeysa

Diyaarada Air Arabia oo laga leeyahay dalka Imaaraadka gaar ahaan Shaariqa ayaa waxaa la sheegay in ay dhawaan duulimaadyo ka bilaabi doonto garonka diyaaraha ee Hargeysa sida ay maanta qoreen warbaahinta dalka Imaraadku,

Sidoo kale diyaaradan ayaa la sheegay in duulimaadka ugu Horeeya ee ay garoonka Hargeysa ku tagi doonto uu bilaabi doono 4-ta July ee sanadkan

Diyaaradan ayaa waxaa ay hore kaalinta koobaad ugu guulaystay diyaaradaha ganacsiga ee qaarada Aasiya

Arintan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa markii dhawaan xukuumada Somaliland ku dhawaaqdey in ay xidhiidhkii u jartay dalka Qatar isla markaana la safatey dalalka Imaraadka iyo sucuudiga

Comments

comments

SHARE