Somaliland: “Cabdillaahi Maxamed Ducaale 15 Jeer Ayuu Baasaaboorka Somaliland Ku Dhoofay, Edna Aadan 8 Jeer Bay Ku Dhooftay Kuwanina Intay Baasaabooro Ajaanib Ah Qaataan Bay Ina Yidhaahdaan Ictiraafkii Waanu Soo Waynay” Boobe

“Waxa Jira Koox Yar (oo Qurbe-joog ah) Oo Xil u Joog ah iyo Koox Kale Oo Xil Ku Joog Ah Oo Marka Xilka Laga Qaado Iska Tegaya” Boobe Yuusuf Ducaale

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyey ka maqnaa saaxadda siyaasadda isla markaana aan ku badnayn saxaafadda ayaa ka hadlay dhibaatada ay koox yar oo qurba joogta ka mid ahi ku hayaan dalka Somaliland, sidoo kalena Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu dhaliilay qaabka ictiraaf raadinta ee xukuumadda KULMIYE.

Boobe Yuusuf Ducaale ayaa sheegay inay jiraan kooxo ka mid ah dadka qurbajoogta ah ee reer Somaliland ay dalka u yimaadaan inay xillal ka qabtaan markii xilka laga qaadana ay dalalkii ay ka yimaadaan ku laabtaan, isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Qurbajoogtu kaalin xalaal ah ayay horumarka kaga jiraan, kaalin xalaal ah ayay halgankii ka soo galeen, dadka iyagaa masruufa oo biiliya intaaba waanu u qirsanahay, laakiinse waxaa jirta koox yar oo ka soo jabtay oo xil u joog la yidhaahdo oo day-daya oo xilal daydayaysa, koox yar oo taas oo kale ah oo markay xilka qabato xil ku joog la yidhaahdo oo inta ay xilka hayaan uun meeshan jooga dabadeedna iska tagaysa dabadeedna dhoof joog bay noqdaanoo baasaaboorkooda intay qaataan bay iska tagaan, wixii dhibaato halkan ka dhacayna anaga ayay naga tagaan, halkan (Somaliland) ama wax baa lagu wada qabayaa ama gaar baa loo kala noolayaa “

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa sidoo kale dhaliilay qaabka ay xukuumadani ictiraafka u raadiso oo uu sheegay inuu yahay waxba kama jiraan, sidoo kalena waxa uu farta ku fiiqay masuuliyiinta dawladda, xisbiyada iyo xildhibaanada sita ee hadh iyo habeen ku dhoofaya baasaaboorada ajnabiga ah, waxaana uu sheegay inaanay kuwaasi wax ictiraaf ah dalka ugu maqnayn, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Aafooyinka maanta dalka haysta waxa ka mid ah gaar ahaan intii xukuumadani timi, baasaboor ajnabi ah oo lagu soo degayo laguna dhoofayo, xukuumadiibaa sidata, xisbiyadii baa sita xildhibaanadii baarlamanku way sitaan, kuwii golaha deegaanku way sitaan, xafiisyadii madaxa banaana way sitaan, inagu dan iyo muraad kama lihi qofku markuu danihiisa gaarka ah u safrayo ama hawlo caafimaad xaq buu u leeyahay inuu wuxuu doono ku dhoofo, laakiin ninka leh qaran baan u dhoofayaa oo xisbi baan u dhoofayaa oo baarlaman baan u dhoofayaa oo xafiis dawladeed baan u dhoofayaa dee waa inuu ku dhoofaa baasaaboorka jamhuuriyadda Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo dawladdii Daahir Riyaale Kaahin ahaa 15 (jeer) ayuu baasaaboorka Somaliland ku safray, Edna Aadan 8 jeer bay ku safartay, bal hadaba waxaad ka warantaan dadkan intay baasaabooro ajnabi ah qaataan intay dibadaha u baxaan ina odhanaya ictiraf baanu idiin doonay oo albaab walba waanu garaacnay oo waanu soo waynay, ganba ay soo waayeen ma jirtee wax alla waxay dooneen ayaan jirin”.

Comments

comments