Somalia: Maxaa Ka Jira In Madaxweyne Farmaajo Uu Diidey 80 Milyan Dollar Si Uu Xiriirka Ugu Jaro Dowladda Qatar

Wargeyska New Khalij ayaa soo bandhigay warbixin uu kaga hadlay 80 milyan oo u iska diidey madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu xiriirka ugu jaro dowladda Qadar.

Is baheysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga ee dhawaan xiriirka u jaray Qadar ayaa ku guul darreystay madaxweynaha Soomaaliya inay ku qanciyaan sidii uu xiriirka ugu jari lahaa Qadar,taaso xata markii dambe gaartay in dhaqaalo badan madaxweynaha loo sheego inuu qaato kaddibna uu xiriirka u jaro Qadar.

“Muddo labo saacadood ah ayaa kulan albaabada u xirnaa lala yeeshay madaxweyne Farmajo balse wuu diiday isku day walba,” ayuu sheegay weriye Jaber Al-Harimi oo wargeysta New Khalij uu soo xigtay.

Laakin waxaa socda wali isku-deyo kale oo Sacuudiga iyo xulafadiisa ay ku doonayaan Soomaaliya inay xiriirka u jarto Qadar,warar soo baxaya ayaa sheegaya dowladda Sacuudiga inay ugu hanjabtay madaxweynaha Soomaaliya inay ka jari doonan dhaqaalaha ay ku bixiyaan gargaarka ay siiyaan Soomaaliya.

Sida wali la aaminsan-yahay dowladda Soomaaliya dhexdhexaad ayey ka tahay khilaafka ka jira khaliijka,balse diyaaraha laga leeyahay waddanka Qadar ayaa ku sameeyay hawada Soomaaliya illaa iyo 15 duulimaad maalintii ugu horeysay ee ay qaar kamid ah wadamada khaliijka ay xiriirka u jareen wadankaas sida laga soo xigtay wakaaladda wararka AP.

Docda kale,waddamada khaliijka oo u ugu horreeyo dalka Imaaradka Carabta ayaa mar horaba arkay wal walka ay ka qabeen isbadalka ka dhacay Soomaaliya,sida u sheegayo wargeyska New Khalij madaxda Imaaraadka Carabta gaar ahaan Amiirka leh dhaxalka Abu Dhabi, Mohammed Bin Zayed, wuxuu doonayay in uu kursiga ku sii waaro madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo heshiis badan uu la galay Imaaraadka Carabta kuwaasoo ay ka mid yihiin maamulida dekedo ku yaal dalka  taasoo Imaaraadka u sahlaya in ganacsi ay dunida kula yeelato.

Balse madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmajo ayaa qorsheynaya in dowladiisu ay diido qaar ka mid ah heshiisyadaa isagoo aaminsan inay yihiin kuwo sharci darro ah.

Comments

comments

SHARE