Madaxwaynaha Barcelona oo ku kalsoon in Messi uu ciyaaraha uga fariisanayo Barcelona

Madaxwaynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa ka hadlay heshiis kordhinta Lionel Messi.

Laacibka xulka Argentina ayaa la baahiyay inuu heshiis la gaaray maamulka Barcelona kaas oo uu ku saxiixayo heshiis waqti dheer ah.

Qandaraaskiisa haatan ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareedka dambe, Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay in laacibku uu ka balan qaaday inuu sii joogayo kooxda.

“Leo maalmo ka hor ayuu cadeeyay inuu rabo in kubadda uu uga fariisto Barcelona, sidaas darteed hadalkiisa ayaan qaadanayaa marka laga soo tago dalabka la hordhigay” ayuu yiri Josep Maria Bartomeu.

Messi ayaa heshiis lagaaray maamulka kooxdiisa, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo heshiis kordhintiisa.

Comments

comments

SHARE