Cristiano Ronaldo Oo Loo Haysto Lacag Gaadhaya Mallaayiin Doollar.

Dacwad oogeyaal reer Spain ah ayaa ciyaaryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ku eedeeyay in uu dawladda ka khayaanay canshuuro gaadhaya malaayiin doollar.

Xafiiska dacwad oogeyaasha ee magaalada Madrid ayaa sheegay in uu gudbiyay dacwad ka dhan ah ciyaaryahanka reer Boortaqiis.

Waxaa lagu eedeeyay in aanu bixinin 16 milyan oo doollar oo canshuur ah intii u dhaxaysay 2011kii ilaa 2014kii.

Ciyaaryahannka lacagta ugu badan lasiiyo ayaa horay u sheegay in aanu ka cabsiqabin baadhitaannada la xidhiidha canshuuraha maadaama oo ayna jirin wax uu qarinayo.

Hadda waxaa lagu eedaynayaa in uu si ula kac ah u adeegsaday “qaab ganacsi” si uu u qariyo dhaqaalaha ka soo gala xuquuqda sawirradiisa.

Macluumaad la helay bishii Desembar ee sannadkii hore ayaa tilmaamaya in Ronaldo uusan canshuuro ka bixinin lacago soo galay oo la sheegay in ay yaalaan meel Spain ka baxsan.

Wuu diiday eedaymahaas.

Markii weriye ka tirsan Radio Television Portuguesa uu waydiiyay baadhitaankan lagu hayo wuxuu ku jawaaabay “Quien no debe no teme”, oo macno ahaan u dhiganta “qofkii aan haynin wax uu qariyo wax uu ka cabsado ma jiraan”.

Comments

comments

SHARE