Somaliland: Shir Degdeg Ah Oo Xalay Golaha Wasiirrada Somaliland Isugu Yimaaddeen, Wafti Carabaha U Baxaya Iyo Ujeedada Uu Daarnaa Kulankaasi

Xubnaha Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa la sheegay in ay xalay isugu yimaaddeen qasriga Madaxtooyada Somaliland oo kulan gaar ahi uga qabsoomay kaasi oo warar aan la shaacin sheegayaan in uu daarnaa laba qodob oo xukuumaddu doonaysay in ay go’aammo degdeg ah ka gaadho.
Ilo-wareedyo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey kulankaasi oo la sheegay in uu daarnaa laba qodob oo xukuumaddu doonaysay in ay go’aammo degdeg ah kaga qaadato kuwaasi oo kala ah Cayimaaddii wakhtiga doorashada ee Madaxweyne Siilaanyo ku ayiday go’aankii Komishanka doorashooyinka qaranka ee muujinaysay wakhtiga la filayo in doorashada Madaxtooyadu ka qabsoonto Somaliland iyo qodobka labaad oo la sheegay in ay xubnaha Golaha Wasiirradu kaga niqaasheen safar degdeg ah oo Madaxtooyadu diyaarinayso kaasi oo la xidhiidha wafti ballaadhan oo xukuumadda Somaliland ka socda oo la filayo in ay Salaasada berri ah u baqoolaan dhinacaa iyo dalalka Khaliijka gaar ahaan dalalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya.
Kulankan degdegga ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland isugu yimaaddeen ayaa ka dambeeyey markii ay dhawaan xubnaha Golaha Wasiirrada Somaliland isku raaceen taageerada xukuumadda Somaliland u fidisay go’aanka qaar ka mdi ah dalalka carabtu ku cunaqabateeyeen waddanka Qadar gaar ahaan dalka Sucuudiga oo isagu xayiraadda Qadar lagu soo rogay calanka u siday.
Isu dhawaanshaha xukuumadda Somaliland iyo waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in uu keenay in Somaliland taageero u fidiso go’aanka ay qaateen Sucuudiga iyo xulufadiisu ee ku aaddan xayiraadda la saaray waddanka Qadar taasina keenayso in ay wafti ballaadhan xukuumaddu ugu baxdo dalalkaasi iyada oo aan la ogayn ujeedada rasmiga ah ee safarkaasi walina aanay saxaafaddu ka war helin xaaladda kulankii xalay la sheegay in ay isugu yimaaddeen Golaha Wasiirradu. Xukuumadaha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwanaaday qaddiyadda ka taagan dalalka Khaliijka waxaanay go’aanka Somaliland ka sokow xukuumadda taagta daran ee Muqdisho iyadu sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay arrinta Qadar iyo Sucuudiga iyada oo hore u sheegtay in loo baahan yahay in dalalkaasi si nabad ah ku xalliyaan khilaafkooda ka dhaxeeya halka ay Somaliland iyadu ka badheedhay oo ay si rasmi ah ula safatay dalalka Sucuudiga iyo bah-wadaagtiisa inkasta oo aanay Somaliland ka haysan dalalkaasi wax aqoonsi ah.

Comments

comments