Somaliland: Nuxurka Dacwad Ay Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland U Gudbiyeen Madaxwayne Siilaanyo+Cidda Ay Ka Gudbiyeen Iyo Kiisaska Ay Kusoo Eedeeyeen

Aqlabiyadda xubnaha guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland oo ka kooban todobad xubnood eyey shank amid ahi todobaadkan madaxwayne Siilaanyo u gudbiyeen dacwad ka dhan ah  gudoomiyahooda,wasaaradda Maaliyadda Somaliland iyo Hanti-dhawraha oo si shari darro ah usii daayey qandaraasyo dhawr ah sanadan gudahiisa,kuwaas oo ay ku taliyeen  in talaabo deg deg ah laga qaado madaama oo uu bixiyey amaradii wax lagaga qaban lahaa .

Xubnaha guddigan qandaraasyadu waxay qoraalkooda ku xuseen in maaliyadda ,gudoomiyaha guddiga qandaraasyada iyo Hanti-dhawruhu ay sii daayeen mashaariic aan marin nidaamkii qandaraasyada,kuwaas oo kala gadiid wasaarado iibsadeen,Dhismayaal iyo Dawooyinka Xoolaha kuwaas oo aan guddiga lasoo marin.

Xubnahan guddiga Qandaraasyadu waxay sheegeen in dhamaan lacagahaas inay fududeeyeen hantid-dhawraha guud ee Qaranka iyo xisaabiyaha guud isla markaana sharciga qandaraasyadu dhigayo in Todobada xubnood shank amid ah cod gacan taaga ku ogolaato marka lasoo hordhigo kula furan oo xubnahu goob joog yihiin,taas oo ay qoraalka ku cadeeyeen inaanay dhacin meela lagu soo hordhigay guddiga.

Xubnahan aqlabiyadda guddiga qandaraasyada qaranka Somaliland oo ah shan xubnood waxay sheegeen in gudoomiyahoodu si hoose ula macaamilo cidda qandaraaska qaadanaysa,isla markaana uu kaligii u ansixiyo sidaas sharci darada ah ay hantidhawraha iyo xisaabiyuhuna ugu sii daayaan lacagaha halkii ay ahayd inay waydiiyaan ama ku meel mariyaan go’aanka xubnaha guddiga oo ay tahay shan xubnood inay  ansixiyaan.

Qoraalka dacwada ah ee xubnaha guddiga qandaraasyada ee Qaranka ayaa sidoo kale lagu xusay in sanadkii ugu danbeeyey 2016-ka qandaraasyadii Qaranku ay ku baxeen nidaamkaas Musuq-maasuqa ah sidaas darteedna loo baahan yahay madaxwaynuhu madaama oo uu guddiga magacaabay isla markaana uu  go;aansaday in uu wax ka qabanayo.

Comments

comments