Sheekh Cabdale Xasan Xaashi (Berberaawi) oo ka mid ah Culimada Waa weyn ee Reer Somaliland,Islamarkaana uu Madaxweyne Siilaanyo dhawaan ku daray liiska Gudida Culimada Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadlay Eedayn culus oo uga timid Sheekh Cabdale Xaaq oo reer Boosaaso ah oo mudooyinkii u dambeeyay Somaliland ku sugnaa islamarkaana hawlo dabiid ku yimid,waxaana uu sheekhu sheegay inaanay arintaasi ahayn wax la dhayalsan karo,loogana baahan yahay Cadaymo mugleh oo lagu qanci karo.
Sheekh Berberaawi oo arintani kaga hadlay Shir Jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Haddii aan ka hadlo eedaymahaasi Markii aan ka hadlay Sheekhaasi waxyaabaha uu shareecada uu ku khilaafsan yahay,isaga iyo Cilaajkiisu dabadeed uu igu soo waajahay, anigu inta aan ka idhi Wadaadka waa intaasi duuban,Waliba masaajid gudahii oo ay dadku buuxaan,iyadoo ramadaan ah,su’aal ahaanbaan la ii waydiiyay oo Su’aal ka timid dadka ayay ahayd Wixii Alle iga garan siiyay xaalkiisa aan ka ogaa ayaan ku jawaabay,tan uu leeyahay Wadaadku,dad ayaa saqdhexe igala soo hadlay Lambar qarsoon,ee uu yidhi waxaanu nahay Ardayda Sheekh Berberaawi,Sheekhayaga ayaa dil kugu xukumaday,Waananu ku dilaynaa,sida muuqatana uu rumaystay,oo isagiibaa leh,Berberaawiyaw dil ayaad igu xukuntay,Waxaan leeyahay Arinkaasi waa arin aan sal iyo raatoona lahayn,ama shayaadiin jinka ka mid ah ayaa la hadashay,ama shayaadiin Insiga ka mid ah,oo isaga markaa ku ciyaaraysay ayaa la hadashay,ama waa been abuur isagu uu sameeyay”.
Waxa kale oo uu yidhi “Cidii wax sheegata lagama hadho,Xujo iyo Cadayn ayaa laga rabaa,Nebiguna “SCW” Waxa uu yidhi “Haddii dadku wixii ay sheegtaanba laga aqbali lahaa oo la iska siin lahaa,dad ayaa dad dhiigooda iyo Xoolahooda iska sheegan lahaa,laakiin Qofka wax sheegta cadayn ayaa laga rabaa,qofkii wax loo sheegto dhaar iyo dhiig ayuunbaa lagu leeyahay ee wax kala laguma laha,Markaa waxaan leeyahay Waxaasi wadaadku uu sheegtay cadaynteeda isaga yaa laga rabaa,maantana waxba ma qarsoomi karaan,Wadanka Dawlad ayaa ka jirta,Hay’addo dambi baadhiseed ayaa jira,Lambarka Qarsoon ee uu sheegayo qofka loo soo diray uunbuu ka qarsoon yahay laakiin waa lambar Guntiisa la gaadhi karo,oo la ogaan karo,Waxa kale oo aan leeyahay,aniga manhajkayga Dadku way yaqaaniin,Shacabka Afsoomaaliga ku hadla dhamaantoodba,waxan ahay Dadka ugu badan ee ka hadla Qadiyadda Dhiigga,iyo inaan qof Muslim ah dhiigiisa si yar oo Fudud loo daadin,la igumana yaqaano anigu inaan dad dil ugu hanjabo,Laakiin waxaan ahay dadka arintaasi ka soo horjeeda ee mar walba ka diga”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Ardaydayduna falka noocaasi oo kale ah,mid Manhaj u ah oo dhaqan u ah,diin u ah habayaraatee maaha,waxaan hadal ku soo gabo gabanayaa,arintaasi waa eedayn Culus, cadaynteeda ayaa laga rabaa oo looga fadhiyaa oo uu keeno,Wadanka Dawlad iyo Nidaam iyo kala dambayn,Hay’addo baadhis iyo Maxkamado intuba way ka jiraan”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay.

Comments

comments