Somaliland: Doodo Ka Taagan Qaabkay Iskula Jaan Qadi Karaan Xubnaha Guddida Culimadu, Jameecooyinka Ay Ku Kala Abtirsadaan Iyo Qodobo Dastuurka Ka Hor Imanaya Oo Ka Muuqda Digreetada M/Siilaanyo Ee Magacaabista Guddidani

Inkasta Oo Madaxweyne Siilaanyo Ku Dhiirraday Magacaabista Guddidan Oo Ay Ku Dhici Waayeen Madaxweynayaashii Ka Horreeyey Haddana Nala Wadaag Dhaliilo Sharci Oo Ku Lammaan Magacaabista Guddidan + Kooxaha Diimeed Ee Xubnaha Qaarkood Ku Abtirsadaan Oo Aad Ugu Kala Fog Aragtidooda Dacwiga Ah

Kadib Markii Madaxweyne Siilaanyo Jimcihii aan soo dhaafnay ee Toddobaadkan ku dhawaaqay kuna dhiirraday in uu sameeyo Guddida heer Qaran ee Culimada Somaliland oo ah Guddi Distoori ah oo muddo badan Madaxweynayaashii kala dambeeyey ku dhici waayeen in ay sameeyaan ayaa markii ay soo baxday magacaabista uu Madaxweyne Siilaanyo guddidaasi oo ka kooban 12 xubnood ku dhawaaqay waxa ay keentay doodo badan iyo aragtiyo bulshadu ka dhiibanayaan iyada oo dhawr jaanib laga eegayo.
Goobaha sida gaarka ah aad wax la isaga waydiinayo waxa ka mid ah tirada xubnaha Guddida oo ah 12-xubnood oo uu Distoorku isagu dhigayo in ay guddidu ka koobnaatpo 11 xubnood. Inkasta oo aan la ogayn in xubinta 12 aad oo ah Maxamed Xasan Yuusuf Digreetada Madaxweynuhu ku sheegtay Agaasimaha guud ee guddida, taasi oo aan la ogayn in uu guddida ka baxsan yahay oo uu maamul ahaan u soo raacay iyo in uu ka mid yahay oo sidaa guddidu ku noqonayso 12 xubnood oo markaa noqonaysa mid ka baxsan tirada distoorku guddidan u cayimay oo ku kooban 11 xubnood. Warbixin arrintaasi ku saabsan oo Wargeyska FOORE idiin diyaariyay waxa ay ku bilaabmaysaa sidan:
Waxa dadku si weyn isu waydiinayaan aadna goobaha la isugu yimaaddo loogu faallaynayaa hannaanka ay guddidani u wada shaqayn karto maadaama ay ku kala abtirsadaan xarakooyin iyo jamaacaad islaami ah oo itijaahoodu kala durugsan yahay iyada oo 12-ka xubnood ka soo kala jeedaan jameecooyinka Al-citisaam, Salafiya Jadiida, Jamaaca Suufiya iyo Al-islaax (Ilkhwaanul Muslimiin) iyada oo magacyada guddidan ka muuqdaa u badan yihiin carakada Ictisaamka oo uu ka soo jeedo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland. lama oga arrintani sida ay u saamayn doonto guddidan iyada oo dastuurka Somaliland qodobkiisa 137aad farqaddiisa 1aad oo dhigaysa waxbaayaha ka reebban Guddida oo ay ka mid tahay in aannay ku tilmaannaan xubnaha guddidu xisbi siyaasadeed ama urur diimeed oo gaar ah.
Inkasta oo aanay noo suurto galin in aannu dhammaantood wax ka ogaano jamaacooyinka lagu xanto in ay ku kala abtirsadaan magacyada culimada guddidan ku soo baxay haddana waxa aan wax ka ogaanay qaar ka mid ah waxaanay jameecooyinka ugu kala abtirsadaan sidan:
1. Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Boqorre Jawhar. (Jamaacada Suufiya)
2. Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed – (Jamaaca Suufiya)
3. Sheekh Maxamed Cumar Dirir – (Jamaacada Ictisaam) – kana cudur daartay guddida
4. Sheekh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil – (Dhexdhexaad balse culimada dambe ah)
5. Sheekh Dr Cabdirashiid Sheekh Saalax – (Ma Hayno)
6. Sheekh Dr Xasan Sheekh Cali Warsame – (Jamaacada Ictisaam)
7. Sheekh Dr. Cumar Yuusuf Axmed – (Ma Hayno)
8. Sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi Barbarawi – (Salafiya Al Jadiida)
9. Sheekh Cabdikariim Xasan Xoosh – (Salafiya Al Jadiida)
10. Sheekh Maxamed Cali Jaamac (Gadhle) – (Jamaacada Ictisaam)
11. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi – (Al-islaax/Ikhwaan Al Muslimiin)
12. Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (Agaasimaha guud ee guddida)- (Ma Hayno)
Waxaanay guddidu sidaa ku noqonayaan kuwo kasoo kala jeeda jamaacooyin aragti ahaan aad u kala durugsan gaar ahaan jamaacooyinka Al Ictisaam, Salafiya Al Jadiida iyo Suufiyada oo hore loo arki jiray iyaga oo aad isu dhaliila arrimo badana dhinaca manhajka iyo aragtidooda dacwo ku kala durugsan. Inkasta oo ay yihiin culumi waaweyn oo dalka magac ku leh aqoon diimeedna leh haddana Waxa ay su’aasha jawaabta u baahani noqonaysaa qaabka ay iskula jaan qaadi karaan iyo sida ay u wada shaqayn karaan.
Doodaha la xidhiidha dhinaca aragtida sharci ee guddida laga dhiibtay waxa ka mid ah cidda awoodda sharci u leh magacaabista guddida iyada oo dastuurka qaranku dhigayo in ay guddidan soo xulayaan laba guddi oo laga soo kala xulayo golaha xukuumadda iyo Golaha Guurtida kadibna loo gudbinayo Golaha Guurtida oo isagu ogolaanaya guddidan culimada waxaanay sidaasi ku xusan tahay qodobka 138aad ee Dastuurka dalka gaar ahaan farqaddiisa 1aad.
Akhriste wax ka baro qodobada ka hadlaya guddida culimada ee heer qaran ee Dastuurka Somaliland oo ka kooban qodobka 134aad illaa qodobka 140aad waxaanay kala yihiin:
QODOBKA 134AAD
WAAJIBAADKA GUDDIDA
Guddida Culimadu waa guddi madax-bannaan oo u xilsaaran :
1- In ay si rasmi ah uga bixiyaan caddayn:
b- Khilaafaadka Diiniga ah ee abuurma;
t- Wixii la isku qabto in uu shareecadda khilaafsan yahay iyo in kale, ama iyaga ula muuqda in uu shareecadda khilaafsan yahay.
Guddidu waxay caddayntooda u gudbinayaan xafiiska codsiga caddayntu uga yimid ama Maxkamadda Dastuurka wixii iyaga uga muuqda.
2- Inay sameeyaan cilmi-baadhis nooc kasta ha ahaadee iyaga oo ka eegaya dhinaca diinta, gaar ahaan horumarka cilmiga sayniska iyo diinta.
3- In ay eegaan, hubiyaanna, kutubta laga tarjumo shareecada, gaar ahaan kuwa Maxkamaduhu u cuskadaan xukunkooda (ka hor intaan sharci ahaan loo ansixin), iyo kuwa gelaya manhajyada waxbarashada ee ku saabsan dhaqan-aqooneedka Diiniga ah.
QODOBKA 135AAD
TIRADA GUDDIDA IYO MUDDADA XILKA
Guddida culimadu waxa ay ka kooban yihiin 11 (Kow iyo Toban) xubnood; Muddada xilkuna waa 5 sanno; xubintii mutaysatana dib baa loo soo magacaabi karaa.
QODOBKA 136AAD
SHURUUDAHA XUBNAHA
Xubnaha guddida culimadu waa in ay yeeshaan shuruudaha hoos ku qoran;
1- In uu yahay muwaadin, maskax ahaan iyo jidh ahaanba u gudan kara xilkiisa.
2- In aanay da’diisu ka yaraan Afartan (40) sano.
3- In uu yahay nin lagu yaqaan Allah-ka- cabsi iyo Akhlaaq wanaag.
4- In aanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo Maxkamad horteeda kaga cadaaday 5tii sano ee ugu dambeysay.
5- Inuu leeyahay aqoon heer Jaamacadeed ah ama wax -u- dhigma oo dhinaca diinta ah.
6- Markuu xilka guddida qabto inuu ku- sifo obo dhex- dhexaadnimo dhinacyada siyaasadda iyo aragtida diineed.
QODOBKA 137AAD
WAXYAABAHA KA REEBBAN XUBNAHA
Xubanaha guddida culimada waxa ka reeban :
1- In ay ku tilmaanaadaan xisbi siyaasadeed ama urur gaar ah oo diineed.
2- In ay qabtaan xil kale oo Qaran inta ay xilka guddida hayaan.
QODOBKA 138AAD
MAGACAABIDDA XUBNAHA GUDDIDA
1- Xubnaha guddida culimada waxa soo magacaabaya guddi laga soo cayimo golaha xukuumadda iyo golaha guurtida oo is -tiro le’eg, waxaana oggolaanaya golaha guurtida.
2- Guddida culimadu iyagaa iska dhex dooranaya guddoomiyaha iyo guddoomiye -ku-xigeen.
QODOBKA 139AAD
BANNAANSHAHA XUBINIMADA GUDDIDA CULIMADA
Xubinimada guddida culimadu waxa ay bannaanaan kartaa :
1- Haddii uu istiqaalad dhiibo ama uu geeriyoodo.
2- Haddii ay burto shuruud ka mid ah shuruudihii xubinimada.
3- Haddii uu xukun ciqaabeed oo kama dambays ah ku dhaco.
QODOBKA 140AAD
MUSHAHARKA IYO GUNNADA
Mushaharka iyo gunnada xubnaha guddida culimada xeer baa nidaaminaya.

Comments

comments