Muxuu Sheekha Caanka Ah Ee Salmaan Al Cowda Kaga Jawaabay Haweenay Warbaahinta U Marisay Farriin Ay Kaga Dalbatay In Uu Guursado?

Sheekh Salmaan Al Cawda waxa uu ka mid yahay culimada waaweyn ee Islaamka waana sheekh ku caan baxay dacwadda Islaamka oo uu ku dhawaad Afartii sano ee ugu dambeeyey ku soo jiray dacwadda Islaamka ahna sheekh looga dambeeyo muxaadarooyinka iyo barnaamijyada diiniga ah ee uu leeyahay kaasi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda waddanka Sucuudi Carabiya. Sida uu Wargeyska Foore idiinku soo turjumay warkan, Toddobaadkan waxa warbaahinta Carabta gaar ahaan baraha xidhiidhka Bulshada si weyn loogu qaadaa dhigay sheeko xiiso leh oo dhex martay Sheekh Salmaan Al Cowda iyo haweenay lagu magacaabo ‘Haya Al Calyani’ oo sheekha ka codsatay in uu guursado nafteedana u hibaysay balse uu sheekhu qaab farshaxamaysan uga fakaday aqbalaadda guur ee haweenaydaasi hawada u soo marsatay.
Haya Al-Calyani oo ka mid ah dadka sida weyn ugu taxan casharrada iyo dacwadda Sheekh Salmaan Al Cowda ka wado baraha bulshada iyo telefishanada ayaa waxa ay barteeda Twitter ku soo qortay codsi ay sheekha si toos ah ugu socodsiisay kaasi oo markii uu gaadhay sheekhu isna jawaab ka soo bixiyay.
Haya Al-Calyani oo ah haweenay u dhalatay isla waddanka Sucuudiga ayaa la sheegay in degelka ay ku leedahay barta xidhiidhka dadweynaha ee Twitter ay soo dhigtay farriin codsi guur ah oo sheekha si toos ah ugu socota waxaanay tidhi: “Sheekhow I guurso. Waxaan kaa codsanayaa in aad I guursato waxaanan kuu hibeeyey naftayda”. Intaa kadib waxa muddo kooban gudaheeda kaga soo jawaabay Sheekh Salmaan Al Cowda oo hab diblomaasiyadeed uga baxsaday in uu haweenaydaasi guursado isaga oo ka gaabsaday in uu codsigaasi aqbalo.
Sheekha oo isla Twitter-kiisa gaarka ah farriin ugu soo jawaabay haweenaydaasi waxa uu yidhi: “Magaca Haya waxa uu igu leeyahay xusuus weyn waana mid qalbigayga ku weyn. Haweenaydii xaaskayga ahayd ee iga geeriyootay ayaa lagu magacaabi jiray Magaca HAYA, waxaanse Ilaahay kaaga baryayaa in uu nin fiican oo saalix ah ku siiyo”. Sidaasi ayaanu sheekhu kaga gaabsaday oo ku diiday codsigii haweenaydu kaga soo dalbatay in uu guursado.
Waxa xusid mudan codsiganina ku soo beegmayaa in ay sannadkan horraantiisii gaar ahaan bishii January ay geeriyootay xaaskii Sheekh Salmaan Bin Cowda iyada oo ku geeriyootay shil baabuur oo ka dhacay dalka Sucuudiga waxaana sidoo kale shilkaasi ku qudh baxay wiil uu isla sheekhu dhalay oo da’diisu ahayd 17-jir.
Sheekh Salmaan Al Cowda ayaa leh telefishano iyo warbaahin uu dacwadda ka faafiyo waana sheekh dunida islaamka aad looga tix geliyo muddo badana u u go’ay dacwadda islaamka.

Comments

comments

SHARE