“Kas kama ahayn, waa xariif fiican.”. Gabriel Jesus oo difaacay xiddigii isha ka ridi gaaray

Gabriel Jesus ayaa difaacay Nicolas Otamendi kaddib markii uu dhaawac wajiga uga geystay intii uu socday kulankii saaxiibtinimo ee Brazil iyo Argentina ee Jimcihii ka dhacay dalka Australia.

Otamendi ayaa si kuuma kasin ah suxul wajiga uga dhuftay xiddiga ay ka wada tirsan yihiin kooxda Man City ciyaartii ka dhacday Melbourne oo uu xulka Argentina si dirqi ah ugu adkaaday Brazil 1-0.

Dhaawacu markii hore uma muuqan mid halis ah balse Jesus ayaa laga soo fasaxay xulka Brazil kaddib markii la soo wariyay inuu ka jabay lafaha ku dahaaran isha.

“Ma jirin u jeed xun, wuxuu ahaa taxaddi caadi ah, ma ahayn ula kac,” Jesus ayaa sidaa u sheegay SportTV.

“Gacantiisa si caadi ah ayay hoos ugu soo dhacday, nasiib darro kor ayaan anna u soo kacayay, waan naxnay, laakiin isagu u jeed xun kama lahayn.

“Qolka dhar badelashada ayaan markii kaddib ku wada hadalnay wuxuuna ii soo diray fariin. Waa xariif fiican.”.

Comments

comments

SHARE