Imaamka Caanka Ah Ee Cabdiraxmaan Sudaysi Oo Taageeray Go’aanka Dalkiisa Sucuudigu Xayiraadda Ku Saaray Waddanka Qadar Iyo Sababaha Uu Ku Taageeray

Imaamka iyo Khadiibka Masaajidka Xaramka ee Makka Al Mukarrama Sheekh Cabdiraxmaan Al Sudeysi ayaa taageeray go’aanka xukuumaddiisa Sucuudi Carabiya iyo dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka iyo Baxreyn ku qaaddaceen xidhiidhkii diblomaasiyadeedna ugu jareen waddanka Qatar kaasi oo uu ku tilmaamay mid sax ah oo habboonaa in xukuumadahaasi ay qaataan.
Sheekh Cabdiraxmaan Al Sudeysi oo sidoo kale ah madaxa Arrimaha Masaajidada Xurmada leh ee Xaramka iyo Masaajidka Nabiga ee Madiina Al-Munawara ayaa go’aanka xukuumadda Sucuudiga iyo dalalka kale ku taageereen ee dalka Qadar lagu xayiray waxa uu ku tilmaamay mid toosan oo habboonaa isaga sheegay in dadku ku raacaan go’aankaasi.
Sida uu baahiyey bogga rasmiga ah ee Labada Xaram ku leeyahay shabakadda Internetka ayaa Sheekh Cabdiraxmaan Al Sudaysi waxa uu baaq ku sheegay in dhammaan dadka islaamka ah iyo gaar ahana culimada muslimiinta ah looga baahan yahay in ay taageeraan go’aankaasi lagu cuno qabateeyey waddanka Qadar isaga oo sheegay in ay taasi wax weyn ka tarayso xakamaynta dadka argagixisada ah sida ay warbixintani sheegayso in sheekhani u dhigay. Isaga oo ka digay wax uu ugu yeedhay jihooyin argagixiso ah iyo kuwo laga taageero dalkaasi Qadar saamaynta ay ku yeelan karaan islaamka. Kuna sifeeyey arrimahaasi kuwo inxiraaf ah oo keenaya acmaal aan wanaagsanayn maadaama laga taageerayo kooxo hallawsan oo jidka ka leexday dadkana halis ku ah sida uu sheekhu u dhigay.
Go’aanka xukuumadda Sucuudigu ka qaadatay waddanka Qadar waxa sidoo kale hore u taageeray Muftiga guud ee boqortooyada Sucuudi Carabiya Sheekh Cabdulcasiis Aal Sheekh oo si cad u taageeray qaraarka ay xukuumaddiisu ku xayirayso waddankaasi Qadar oo ay sidoo kale ku raaceen dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo kuwo kale. Sheekh Cabdulcasiis Aal Sheekh ayaa go;aanka Qadar laga qaatay waxa uu ku sheegay in uu xataa maslaxad u yahay muwaadiniinta reer Qadar sida uu hadalka u dhigay.
Xidhiidhkii ka dhaxeeyey dalalka Khaliijka ayaa sii xumaanaya kadib markii isbahaysiga uu hogaaminayo Sucuudigu go’aan ku gaadheen in ay ku xiyiraan dalkaasi Qadar oo isaga laftiisu ka mid ah dalalka Golaha iskaashiga Khaliijka.

Comments

comments