Haweenay U Dhalatay Waddanka Yuhuudda Oo Dood Badan Dhalisay Markii Ay Naaska Nuujisay Ilmo Falastiini Ah Oo Hooyadii Koomo Ku Jirtay

Haweenay Kalkaaliso caafimaad ah oo u dhalatay waddanka Israel ayaa mahadho reebtay tallaabada ay qaaddayna dhalisay doodo iyo aragtiyo badan kadib markii ay ku kacday fal ay naaska ku nuujisay ilmo yar oo Falastiini ah oo ay hooyadii xaalad caafimaad koomo ugu jirtay taasi oo aan tahlayn in ay naaska siiso ilmaheeda kadibna ay haweenaydii kalkaalisada caafimaad ahayd ay siisay naaska ilmihii Falastiiniga ahaa iyada oo naxariis u muujisay.
Sida ay warinayaan warbaahinta Carabtu oo Wargeyska Foore idiin soo turjumay Falkan layaabka leh oo dhacay Isniintii toddobaadkan waxa ay haweenay kalkaaliso caafimaad ahi si dareen leh caanaha naaskeeda ugu habtay ilmo yar oo gaajo darteed la qaylinayay ehelkiisana kula sugnaa cisbitaal ay hooyadii xaalad caafimaad u gashay iyada oo wararku sheegayaan in xaaladda hooyadaasi ay ku sugnayd ahayd mid koomo ah iyada oo ku waxyeelowday shil baabuur oo uu sidoo kale saygeediina ku geeriyooday kaasi oo ahaa aabaha ilmahan yar ee naaska gabadha Yuhuudiyada ahi siisay. Sida uu ku soo warramayo wargeyska Ahrenut Times oo arrinkan wax ka qoray waxa uu sheegayaa in falkani ka dhacay Cisbitaal ku yaalla magaalada Qudus kaasi oo hooyadan la keenay wakhti ay ku soo dhaawacantay shil baabuur oo uu sidoo kale ku geeriyooday ninkeedii balse aanu ilmaha yari waxba ku noqon. Ilmaha yar ayaa la sheegay in uu soo gaadhay dhaawac aad u fududi taasina keentay in dhakhaatiirtii cisbitaalkan ka hawl galaysay oo Yuhuud u badnaa ay ku taliyeen in ilmaha yari aanu waxba qabin ee uu u baahan yahay in naas loo raadiyo balse ay waayeen cid ehelkeeda ah oo wakhtigaasi naas nuujin karaysay oo goob joog ahayd, taasina ku qasabtay mid ka mid ah hablihii neerasta ahaa ee Yuhuudda ahaa ee dhaawaca hooyada iyo ilmahan gacanta ku hayay in ay iyadu naaska siiso ilmihii oo sidaa ku haqab baxo caanana uga dhargo.
Markii haddaba ay haweenaydii reer Israel ilmaha naaska nuujisay waxa ay sheegtay in ay sidan kaliya u sheegay bani aadamnimo iyo in ay ilmaha aad uga damqatay gaajoonayay sidaasi darteed ay naaskeeda siisay oo aanay ujeeddo kale ka lahayn. Mar ay haweenaydani la hadlaysay telefishanka Israel waxa ay tidhi: “Dib ugamaan joogsan in aan caawiyo ilmahan. Waxaan ahay hooyo damqanaysa oo sida ilmaheeda oo kale u damqanaysa sidaasi ayaanan ilmaha naaska u siiyey anoo gudanaya waajibkayga kalkaaliso”. Intaa kadib waxa dhacday in ilmihii yaraa ay qoyskiisii cisbitaalka ka saareen dibna ugu celiyeen hoygiisii iyada oo wali hooyadii lagu dabiibayo cisbitaalkii ay ku jirtay iyada oo dad badan oo Falastiiniyiin iyo Carabta kaleba ahi u kala qaybsameen wax falkaasi ay haweenayda yuhuudiyada ahi ku kacday bogaadiya iyo wax dhaliila iyaga oo qaarkood ku eedeeyeen in ay ilmahaasi jinsiyadiisa dhantaashay oo ay ka lahayd qorshe ay dhiiggiisa qayb ka mid ah Yuhuudi iga dhigaysay. Si kastaba ha ahaatee haweenaydan ayaa dunida oo dhan ka helaysa bogaadin iyo hambalyo ay ugu soo direen in ay gaysatay tallaabo bani aadamnimo iyada oo aan eegin dhibaatada kala dhex taalla Yuhuudda iyo Falastiiniyiinta.

Comments

comments

SHARE