Antonio Conte oo ku qasban inuu raali galin ka bixiyo qaabkii uu fariinta ugu diray Diego Costa

Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ku qasban inuu raali galin ka bixiyo qaabkii uu fariinta ugu diray Diego Costa.

Weerar yahanka reer Spain ayaa silama filaan ah saxaafada ugu sheegay in tababare Antonio Conte uu u soo diray fariin uu ugu sheegayo inuu raadsado koox kale.

The Sun ayaa daaha ka qaaday in tababaraha reer talyaani uu ku qasbanyahay haatan inuu hortago maamulka kooxda Chelsea isla markaana uu raali galin ka bixiyo qaabkii uu Costa ugu sheegay in la fasaxayo.

Falkii uu sameeyay Conte waxa uu sababay in 10 milyan oo Ginni uu hoos uga dhaco qiimihii Diego Costa uu ku lahaa suuqa, taas oo khasaaro u ah kooxda Blues.

Maamulka ayaa doonayay in arinku uu ahaado mid sir ah, si kooxaha kale aysan u ogaan in laacibku uu suuqa yaalo taas oo kor u sii qaadi lahayd qiimihiisa suuqa.

Kooxaha AC.Milan iyo Atletico Madrid ayaa haatan wadahadalo kula jira Diego Costa.

Comments

comments

SHARE