Wasiirka Maaliyadda Oo $ 2 Milyan Oo Ka Mid Ah Kharashka Xukuumaddu U Qoondaysay Doorashada Ku Wareejisay Komishanka

Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa laba milyan oo dollar ($2,000,000) oo ka mid ah afar milyan oo xukuumada u qoondaysay in lagu qabto doorashada Madaxtooyada Somaliland ku wareejisay guddida doorashooyinka qaranka Somaliland Shalay.

Munaasibaddii lacagtan labada milyan ee dollar ah ay Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan ku wareejinaysay oo uu ka guddoomay guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa waxa hadallo ka soo jeediyey Masuuliyiinta Dawladda oo Wasiirka Maaliyaddu ka mid tahay

Ugu horayn Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “Waakii qorshu ahaa in bisha June la bixiyo labadii milyan ee u horeeyey ee ka midka ahaa Afartii Milyan ee dollar ee xukuumadda kaga soo beegmay doorashada Madaxtooyada si aan wakhtigeedu dib u dhicin, si shakiga oo dhami u baxo, waxay ahayd in aanu labada milyan ee dollar ee u horeeya aanu bisha June bixino aanu maanta halkan ku wareejino Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka.

Labada milyan ee hadhayna bisha August ayay yidhaahdeen insha allaahu tacaalaa aanu ku wareejino si iyagana niyadoodu ay ugu sii fiicnaato oo ay hawladooda u sii dadajiyaan”

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo lacagtaasi ka guddoomay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa yidhi “Waxaanu Maanta ka guddoomaynaa ($2 million) labadii Milyan ee Dollar ee ugu horeeyey ee doorashada oo ku qiimaysnayd ($4 million) Afar Milyan oo dollar, labadaa milyan ee u horeeyey Maanta oo sabti ah (Shalay) ayaanu ka guddoonay, labada Milyan ee hadhayna bisha August horaanteeda ayaanu insha allaah bismilaahi kariim aanu ku ballanay in la bixiyo.”

Dhinaca kale, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland, Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo isaguna munaasibaddii xukuumaddu ay komishanka doorashooyinka qaranka ku wareejinaysay lacagta labada milyan ee dollar ah ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxa ii farxad ah in guddoomiyihii Komishanka Doorashooyinka oo i hor fadhiya uu ku dhawaaqay warqaddii cayimaadda in 13-ka bisha November 2017-ka la qaban doono doorashadii iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam oo Afartii Milyan ee Dollar ee Xukuumada ay labadii Milyan ee dollar ee u horeeyey gacanta ka saartay guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka. Labadaa su’aaloodba si fiican ayaan uga jawaabayaa markaan imika safarkayga Nairobi aan ku noqdo ama marka ay inoo yimaaddaan beesha caalamku, waana wax aad loogu farxo. Wax badan ayaa inagaga xidhan qabashada doorashada oo hadday tahay xaggii ictiraafka iyo hadday tahay xaggii caawimadaba, waana su’aal had iyo jeer ina hor taagan, waxaan illaahay ka baryayaa in si bilaa turxaan ah ay inoogu dhacdo.”

Comments

comments