Somaliland: Muxu Cali Guray Ka Yidhi Arrimaha Doorashooyinka Somaliland

Mujaahid cali guray oo qoraal yaro koban soo dhigay barta u ku layahay baraha bulshad ee facebooga ayu kaga hadlay Arrimaha Doorashoouinka Ee Komishanka Qaranka waxanu Yidhi Sida Tan

Ilaa hadda anigu maan maqal taariikh kama dambays ah oo Madaxwaynuhu ku soo daaray Dikreeto ka dib muddo kordhintii Guurtida ee ugu dambaysay. Xataa taariikh u komishanku cayimayna hore uma maqal. Hadii Go’aankii Guurtida wax walba sharci ku yahayna waa wax kale. Dad badan ayaan weli aaminin inay run tahay oo darsho qabsoomayso wakhtigan ugu dambeeyay ee la magacaabay oo sugaya marka ay mudadu soo dhawaato in sidii awalba ay ahaan jirtay waa sabab ma waydo eh in hadana dib loo dhigi doono. Kolay anigu lama murmo ama iskuma dayo in aan qanciyo waayo dee aniga laftayda ayaaba is idhaa maxaad hubtaa eed ku qancin kartaa? Mana hayo runtii wax aan ku calool adaygi karo oo inta aan laabta garaaco odhan karo ka gama’ anaa kaa huba taase. Kuwan Komishanka ahna dad cid qancin kara ama u haysta inay waajib ku tahay inay dadka si joogto ah wax ula socodsiiyaan oy kor iyo hoosba wax ugu dhigaan oo marka ay wax dhawaajiyaan iyo marka ay carqaladi jirtoba aanay ka qarin iyaga uma haystaan. Inay yihiin haya’dda ugu awoodda badan marka ay arimaha doorashada tahay inu madaxbanaan yihiin malaha ma fahamsana. Iyaga ayuun baa gorodda iskula jira taasi wacay inna tusaysaa jelaycooda xad dhaafka ah. Hadii xaalado adagi yimaadaan siday uga go’aanqaadan waxna u kala saari doonaan sua’aal baa saaran Alleh ha inoo sahlo eh

Comments

comments

SHARE