Somaliland: Beelaha Habar Jaclo Oo Xabad Ka Xigga In Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Lagula Tartamo + Qabo Ka Dha

Qorshe Lagu Xagal-daacinayo Xidhiidhkii Jeegaanta Oo Xarunta KULMIYE lagu Nashqadeeyey Iyo Taladii Muuse Salaadiintiisu Ku Dhabartaabatay Oo Iftiinka U Soo Baxay
Waxaa si rasmiya ubilaabmay hirdanka mansabka Guddoomiye nimo ee Xisbiga KULMIYE loogu jiro waxaana mooro laga soo istaadhay xarunta KULMIYE ee lagu nashqadeeyo siyaasada kulmiye lagu shax-dhigay nashqad cusub oo hilifaha loogu laabayo isbahaysigii jeegaanta.

Ka dib markii muuse biixi soo dhabar taabtay wasiirka qorshaynta qaranka Maxamed aadan Qabyo-tire kaas oo si aan gabasho lahayn usheegay in uu muuse dabadii u taagan yahay jagada guddoomiyenimo ee xisbiga KULMIYE qorshahaas oo cadeeyey gunti giijiskii Muuse Biixi kaga jiray in aanu beesha bariga Burco u saxeexin mansabka Guddoomiyenimo damaciisa qasridoonka ka dib.

Dhawaaqa wasiir qabyo-tire ayaa marag unoqdey xan siyaasadeed oo kal hore wargeyska SAHAN badka soo dhigay in salaadiinta subeer AWAL ku adkeeyeen in aanu muuse biixi beesha bariga burco ku wareejin guddoomiyenimada kulmiye.

Wasiirka qorshaynta qaranka oo warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa ayaa si cad u sheegay hankiisa ku aadan mansabka guddoomiye ee xisbiga kulmiye isagoo taxay in darajada kaliya ee u hadhay tahay in uu noqdo murashaxa guddoomiye kulmiyeysan waxaanu isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi. “Anigu waxaan ka soo bilaabay madax-qaybeed 1991kii waxaan soo maray jaran-jarooyin kala sareeya hadey tahay agaasime waaxeed hadey tahay agaasime guud waxaan kaloon noqdey lataliye ama badhasaab gobol imika waxaan ahay wasiirkii qorshaynta markaa halka kale ee halkaa looga gudbayo haddii lagu dhaho eeg adiguba maxaad odhan lahayd, damacaasi iyo hungurigaasiba waa igu jiraa waxaanan insha allah mustaqbalka noqon doonaa raga hanka leh ee higsan doona hogaanka dalka. Waxa naga horjoogsanayaana ma jiro xisbi xeer fiican leh dhex-dhexaada laga dhex tartami karro cidii kasnaana iska dhex sharixi karto dadka waxaan ka saarayaa tashuushka ah in kulmiye cid u xidhan yahay ninkastoo hungi hayaana wuu ka dhex tartamayaa aniguna waxaan ka mid noqonayaa wakhtigeeda iyo muuse dabadii inan u tartamo hogaanka xisbiga KULMIYE hungurigaasi waa igu jiraa salaan damboo ii hadhayna ma jirro waa halkii ugu dambaysay” hanka wasiir qabyo-tire ayaa xoojinaya loolanka loogu jiro guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE taas oo muujinaysa xagal-daac ka jirra gudaha xisbiga.

Wali waxaa jira mooro aan damayn oo laga soo istaadhayo barada KULMIYE taas oo dhago barjaysay taageerayaal badan oo uhamuum qaba inay la jiibiyaaan murashaxa kulmiye.

Balse dhitadan xadhka heedu taxan yihiin Hoyga Hargeysa ee Kulmiye ayaa ah mid daluun ka rideysa cod badan oo muuse loola diyaar ahaa waxaana muuqata qorshe muuse biixi hogmadow ugu ridey rajadii iyo mansabkii beesha bariga burco ee guddoomiyenimada kulmiye. Waxaana murashaxa laba garoocan ee kulmiye soo wajahay xiisad laba daran mid dooro. Waxaanay bilow utahay dil-dilaaca kulmiye ku soo foodle oo foorediisi curatay bisha ramadaan balse waxaa ku soo foodle damacyo kala dhaqaajin doona xisbiga kulmiye.

Comments

comments