Ronaldo oo loo dhalay Mataano wiil iyo gabar ah

Laacibka xulka Portugal iyo Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa loo dhalay wiil iyo gabar mataano ah sida la baahiyay.

TV-ga reer Portugal ee SIC Notícias ayaa baahiyay in Ronaldo loo dhalay wiil iyo gabar mataano ah khamiistii kuwaas oo aan la garanayn hooyadood.

Ronaldo ayaa go’aansaday inuu gabadha u bixiyo Eva halka wiilka uu u bixiyay Mateo, lamana shaacin halka ay haatan ku suganyihiin sidoo kale lagama haayo wax sawir ah.

Warkaan ayaase ah mid intabadan lagu baahiyay warbaahinta gudaha Portugal, laacibka iyo wakiilkiisuna wali ma aysan shaacin arinkan.

Ronaldo waxaa horay ugu joogay wiil 6-jir ah kaas oo sidoo kale aan la aqoon hooyadiis.

Comments

comments