Haweenay Maraykank Ah Oo Dhashay Ilmihii Ugu Miisaanka Weynaa Dunida !

Haweenay u dhalatay Dalka Maraykanka oo la yidhaahdo Crissy Corbett ayaa dhashay ilma Miisankiisa lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu Miisaanka weynaa, ilmahan yar oo gabadh ah ayey dhakhaatiirtu ku sheegeen in miisaankeedu uu yahay 6Kg, muuqaalka gabadhan yar ee dhalatay ayaa waxa uu u eegyahay ilmo jiray muddo dhawr bilood ah,

hooyada dhashay Ilmahan yar ayaa waxay sheegtay in xilligii ay Uurka ku siday dhib aad u badan dareemi jirtay waxaanay aaminsanayd in ilmaha ay sidaa uu miisaankiisu aad u cullusyahay, gabadha yar ee dhalatay oo loo bixiyay magaca Carleigh ayaa waxay dhalataay toddobaadkii hore waxanay hooyada dhashay gashay Qaliin, kaasi oo si wanaagsan loo fuliyay, Crissy Corbett ayaa wareysi ay siisay Telefishinka ABC ayaa waxay tidhi “Markii ay Dhakhaatiirtu qaliinka wadeen ee ay ilmaha yar calooshayda kasoo saarayeen waxaan maqlayay iyaga oo qoslaya, isla markaana aad ayay ugu faraxsanaayeen Qaliinka sida wanaagsan ee ay ugu guulaysteen”.

Comments

comments

SHARE