Somaliland: Safarkii Cali Khaliif Ku Tagay Boorama, Afar Dawladood Oo Uu Sheegay Inay Boorama Ka Dhisan Yihiin Iyo Qorshihiisa Is-gaashaan-buuraysigii Lixdankii Ee Beelaha Darafyada

Khatumo leader Prof Galayd says its time to give peach a chance

Muuqaal sir ah oo laga duubay Dr Cali Khaliif Galaydh safarkiisii ugu dambeeyay ee uu ku tagay Magaaladda Boorama ee Caasimada Gobolka Awdal ayaa waxa uu kulan la qaatay oday dhaqameedka iyo Waxgaradka Gobolkaasi isagooo kala sheekeeystay arimo xasaasi ah,islamarkaana uu u bandhigay afar Dawladood oo uu sheegay inay Dadka Gobolkaasi saamayn ku leeyihiin,waxaa uu sidoo kale la soo qaaday sidii ay Beelaha Darafyadu sadkooda siyaasiga ah uga goosan lahayeen Somaliland isagoo u soo jeediyay inaan dib loo dhigay islamarkaana aan la dedejiyay ee laga fiirsado.
Muuqaalkan laga duubay Cali Khaliif Galaydh ayaa waxa uu sidoo kale Oday dhaqameedka Reer Boorama kala sheekaystay rag uu sheegay inay Muqdisho wada joogeen oo ay Soomaali wayn wada kulaalayeen,kuwaasi oo uu qaarkood magac dhabay,waydiiyayna inay Boorama kusugan yihiin,Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Reer Booraw Nabada Hadhayalsanina, Anaguba warka waan haynaa,Magaaladan Boorame Afar Dawladood ayaa ka dhisan,Somaliland Warkeeda waan haynaa,Jabuutina inkasta oo woxogaa Xurguf ahi jirto,Jabuutina Dad ka dambeeya oo dawladaasi jabuuti xageeda marba jaleecayana waan haynaa, Hadda Aw-Barre-na waatan,oo xaggan iyo Kililka,Warkooda waan haynaa,hadda idina idinkumaba yara xagaasi iyo Xamar,anaga waxaa na wareerisay Puntland iyo Somaliland,waa laba hadda,laba ayaanu la ciir ciiraynaa,waar idinku haddiiba aad Afar kulmiseen oo Caqli magaaladiinii iyo dhulkiinii ku dhisataan oo jaamacadaan arkay ku dhisateen”.

Waxa kale oo hadaladiisii ka mid ahaa sidan“Cali Xirsi nin layidhaah oo reer Boorama ah oo aanu xamartaasi wada joognayna waa jiraa,waxa balan ah,anagu haddaanu khaatumo nahay,wixii Somaliland lawada leeyahay lagu dhisi lahaa oo cidina aanay marti ka ahayn oo shuruuc iyo dastuur iyo Wax qaybsi lagu wada raali yahay,haddii lagu hiranayo ka mid ayaanu nahay,anaguna intaasi uunbaanu qabnaa,taasi ayaanu rabnaa,Bahasha in la dedejiyana ma fiicna,haddana waa in masuuliyad la iska saaro,oo hawlmaalmeedkooda ay noqoto,hadaan lagu dhiiran,hadda wakhtiguna waa isku gurayaa oo waa socdaa,Waa dhawna doorasho ayaa la galayaa,doorasho ka bacdi yaa nool, yaa dawlad ah”.
Cali Khaliif ayaa umuuqda inuu ujeedo gaar ah xambaarsanaa Safarkaasi uu ku tagay Boorama islamarkaana u qorshaynayo inuu soo celiyo Midnimadii lixdankii ka dhexaysay Beesha uu ka soo jeedo ee Dhulbahante iyo Beesha degta Gobolkaasi Awdal ee Boorama si uu sad Bursiimo ugu helo Damaciisa siyaasiga ah ee uu ku doonayo inuu Somaliland ka dhex istaadho.

Comments

comments