Xifaaltan soo jiray 113-sano, halkuu ka soo bilowday, imise kulan ayay kulmeen?…(Wax kasta oo aad uga baahan tahay Brazil vs Argentina)

Waxaa maanta duhurkii fooda si dari doona xulalka Brazil iyo Argentina mid ka mid ah kulamada ugu xifaaltanka badan kubbada cagta adduunka.

Camaaliqada Koonfur America ayaa kolkaan isku fara saari doona magaalada Melbourne kulankoodii 108-aad.

Waa markii labaad uu dalka Australia uu ciyaaraha casrigan marti galinayo kulan ay isaga hor yimaadaan labadan xul.

Brazil iyo Argentina ayaa sanadihii ay is arkayeen ku soo ciyaaray 19 dal oo ku fidsan 5 qaaradood, laga bilaabo Chile iyo Chine, 32-magaalo ayaa la siyay kulankan xiisaha badan.

Haddaba goorma ayuu so bilowday xifaaltanka labadan xul?

Wuxuu soo bilowday 20-kii September 1914 markaa uu dagaalkii adduunka ka qarxay Yurub, Selecao iyo Los Gauchos ayaa kulankoodii ugu horreeyay oo ahaa mid saaxiibtinimo isku qabtay magaalada Buenos Aires, xulka martida loo ahaa ee Argentina ayaana kolkaa ku adkaaday 3-0.

Imise Kulan ayay kulmeen labada dhinac yaase guulo badan?

Kulanka maanta dhici doona waa midkii 108-aad. Xulka Brazil ayaa libinta ka heysta Argentina iyadoo uu guul gaaray 44 kulan halka Messi iyo xulafadiisa ay adkaadeen 38 kulan.

Waxybaabaha lagu xusuusto kulankan cadaawadiisu gaamurtay?

Kulan ay ciyaareen Brazil iyo Argentina 1937 ayaa loogu magac daray ‘Kulankii Ceebta’ kaddib markii  ciyaartoyda lagu qasbay inay isaga baxaan garoonka iyagoo ka dibad baxaya dhawaq cunsuriyadeed oo ay ku hadaaqayeen taageerayaasha joogay Buenos Aire.

1939, Arcadio Lopez ee u safan jiray Argentina ayaa aad u carooday mar rigoore laga dhigay xulkiisa isagoona weeraray garsooraha dheesha ka hor inta aan garoonka laga galbin.

Qeyb ka mid ah xiddigaha xulka ayaa dhabar istaagay saaxiibkood iyagoona garoonka kala baxay, garsoorihii ayaa ogolaaday in rigoorada la tuuro iyadoon cidna ku jirin goolka, waa adkeyd dabcan in la khasaariyo rigooradaas waxaana 3-2 ku adkaaday xulka Brazil.

Sanad kaddib, Arico Suarez oo u dheelayay Argentina ayaa kas iyo maag u khasaariyay rigoore loo dhigay, kaddib markii uu arkay in taageerayaasha xulkiisa ay bixinayeen fal celin ah inaysan ahayn rigoore ay istaahileen abaal marinteeda, waxaana markale 3-2 ku adkaaday Brazil.

Wararka labada xul?

Neymar ayaa kulankan ka maqnaan doona maadaama la siiyay fasax dheeri ah, timo waynaha Chelsea Willian ayaana lagu wadaa inuu dhexlo booskaas.

Tababare Sampaoli  oo kulankiisii ugu horreeyay leylin doona Argentina ayaa waxa ka maqan Javier Mascherano iyo Marcos Rojo, waxaana laga soo tagay Sergio Aguero iyadoo booskiisa la soo waday dhaliyaha Inter Milan Mauro Icardi.

Messi iyo Di Maria ayaa la filayaa inay ku soo bilowdaan kulanka.

Natiijooyinka 5-tii kulan ee ugu dambeysay labada xul:

Brazil 3-0 Argentina – 10 November 2016

Argentina 1-1 Brazil – 14 November 2015

Argentina 0-2 Brazil – 11 October 2014

Argentina 2-1 Brazil – 21 November 2012

Brazil 2-1 Argentina – 20 September 2012

Safafka la filayo inay ku soo galaan:

BRAZIL:

Imise saac ayuu kulanku soo galayaa halkeesa ka dhacayaa?

Ciyaarta ayaa la daawan doonaa maanta duhurkii salaada Jimce kaddib Todobo saac iyo shan daqiiqo, kulanka ayaana ka dhici doona magaalada Melbourne  ee gegada Cricket Ground.

Comments

comments

SHARE