War Deg Deg Ah: Siyaasi Buuba Oo Imka Ka Duulay Magadaarka Hargeysa Iyo Ujeedad Socdaalkiisa + Passportka U Ku Duuley

Prof Ismaciil Hurre Buubaa oo ka mid siyaasiyiinta bulshada Somaliyeed ugu caansan isla markaana iminka ka mid ah saraakiisha xisbiga Waddani ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa .

Prof Buubaa ayaa ay dhawaan xukuumadu gaar ahaan masuulyiinta madaarku ay ka hor istageen in uu halkaasi ka dhoofo ka dib markii lagu eedeeyey in uu Sito Passport-ka dalka Somaliya kaas oo ay xukuumadu sheegtay  in  ay mamnuuc tahay in Somaliland laga dhoofo  Passport dalka Somaliya

Mr Buubaa ayaa ku sii jeeday dalka Kenya isla markaana waxaa uu dhacdadaas lagaga  hor istaagey in uu madaarka ka dhoofo ku tilmaamay Jid Goyn ay xukuumadu u gashey , iyada oo ay sidoo kale xusid mudan tahay in shalay uu masuulkani dacwad ka dhan ah masuulyiinta madaarka u gudbiyey madaxtooyada .

Comments

comments

SHARE