War Deg Deg Ah: Madaxweynaha Puntland oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan ah Al-shabaab

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shir Jaraa’id oo ku qabtay Xarunta Madaxtooyadda Puntland wuxuu ku dhawaaqay Dagaal waqti dheer socda oo ka dhan ah ururka Al-shabaab oo shalay weerar gaadmo ah ku qaaday saldhig ciidamadda Daraawiishtu ku lahaayeen degaanka af-urur ee Galgala.

Wuxuu ugu baaqay shacabka reer puntland inay  u diyaargaroobaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo uu sheegay inay ku soo duleen Degaamadda Puntland.

” Dowladda Puntland iyo shacabku waa ku filan yihiin, waana ku filnaan jireen inay iska difaacaan sharwadayaasha (alshabaab)” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay

” Waxaanu ballanqaadaynaa inaanu dhulkayaga ka sifayno Shabaab, Daacisha iyo inta u soo duulaan tegtay inay gumaado shacabkayaga” ayuu yiri Madaxweynuhu.

dhinac kale, Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu shalay magacaabay guddi heer wasiiro ah oo soo qiimeeya khasaaraha dagaalkii Af-urur iyo dhibka dhacay, islamarkaana ka qaybqaata gurmadka dadka dhaawaca ah iyo  dadkii waxyeeladu ka soo gaartay  dhacdadaas.

wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka iyo beesha Caalamka inay dowladda Puntland ku taageeraan dagaalka adag ee ay kula jirto waxa uu ugu yeeray sharwadayaasha u soo tafaxaytay inay gumaadaan dadka reer puntland.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale tacsi u diray ehelada iyo Qaraabada dadkii isugu jiray odoyaasha, Haweenka iyo askarta ee shalay lagu dilay dagaalkii kooxda Al-shabaab ku soo qaaday degaanka af-urur, waxaana uu ilaahay uga beryay inuu samir iyo iimaan ka siiyo, kuwo ku dhaawacmayna ilaahay u boogo dhayo.

Comments

comments