Somaliland: Nuxurka Kulan Madaxtooyada Ku Dhexmaray Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa iyo Wasiir Maxamuud Xaashi

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa dacwad ka dhan ah mas’uuliyiinta Madaarka Hargeysa oo uu kaga cabanaayo faafin ay ku sameeyeen macluumaadka Baasaboor uu lee yahay oo laga ga qaaday gudaha madaarka Hargeysa u gudbiyey Madaxtooyada Somaliland.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in siyaasi Ismaaciil Buubaa uu shalay aqalka Madaxtooyada u tagay dacwad ka dhan ah oo uu ka gudbinaayey mas’uuliyiinta Madaarka Hargeysa, waxaana kulan uu Madaxtooyada dhexdeeda kula qaatay wasiirka Madaxtooyada uu u gudbiyey qoraal dheer oo caddeymo wata taasi oo uu kaga cabanaayo dhallinyarada sal fudeydka badan ee maamusha Madaarka Hargeysa.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md.Maxamuud Xaashi oo dhankiisa la hadlay Ismaaciil Buubaa, ayaa sheegay in ay arrintaas baadhitaan ku sameynayaan isla mar ahaantaana ay ku soo war celin doonaan marka ay baadhitaankoodaas soo dhammeystaan.

 

Comments

comments