Somaliland: Maxamuud Xaashi Iyo Cali Mareexaan Oo Madaxwaynaha Hortiisa Ku Kala Adkaaday Qorshe Ku Aaddan Go’aanka Ay Somaliland Ka Qaadanayso Khilaafka Dalalka Carabta.

Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Soo Jeediyey Inay Somaliland Taageerto Sucuudiga Halka Uu Cali Mareexaan-na Ku Taliyey Inaan La Dhex-gelin Dagaalka Bariga Dhexe + Cod Ay Golaha Wasiirradu U Qaadeen & Hungowgii Wasiir Qabo Iyo Cadaani Oo Shir Jaraa’id inay Qabtaan Tay U Soo Xidhay.

Shirkii golaha wasiirrada ee khamiistii shalay ka dhacay qasriga Madaxtooyada ayaa lagaga hadlay arrin xasaasi ah oo xidhiidh la leh go;aanka ay Somaliland ka qaadan doonto khilaafka u dhexeeya dawladda Qadar iyo wadamada Khaliijka ee uu sucuudigu hogaaminayo.

Sida aanu wararka ku helayno wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa ugu horayn saxaafadda isugu yeedhay isagoo ku wargeliyey in Golaha Wasiiradu uu u yaalo ajande muhiim oo si ay go’aan uga gaadhaan. Intaas kadib markii uu shirku bilaabmay isla markaana uu Madaxwaynuhu guddoominayo ayuu wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi hadal kooban jeediyey, isagoo sheegay in loo baahan yahay in khilaafka dalalka carabta ay Somaliland go’aan cad ka qaadato isla markaana buu yidhi ay tahay in la taageero dalalka aynu xidhiidhka leenahay ee Imaaraadka iyo Sucuudiga lana xoojiyo cunaqabataynta la saaray Qadar, waxaana uu wasiirku sheegay inay taasi wax wayn ka tari doonto xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalkaas.

Hase yeeshee waxaa isna markiisa hadalka qaatay wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan, waxaana uu soo jeediyey fekrad taasi ka duwan, isagoo sheegay maadaama ay somaliland tahay dal aan la ictiraafsanayn inaanay haboonayn qayb ka noqoto dagaalka bariga dhexe iyo wadamada carabta waxaana uu soo jeediyey inaan loo baahnayn inay Somaliland mawqif xaraj ah noocaas oo kale ah gasho.

Muddo dheer oo ay labada wasiir doodo isugu jawaabeen kadib oo uu Madaxwaynuhu isu dhegaysanayay labada dhinac, waxaa la soo jeediyey in qaddiyadaas gacan taag la geliyo, waxaana ay 18 xubnood oo golaha wasiirrada ahi u codeeyeen inaan la dhex gelin arrimaha carabta oo ahaa fekerkii Cali Mareexaan, halka 15 xubnood na ay taageereen in la taageero xulufada sucuudiga, waxaana sidaas ku guulaystay fekerkii Cali Mareexaan.

Sidoo kale waxaa wasiir Maxamuud Xaashi fekerkaas kula socday Ambasaddor Baashe Cawil safiirka Somaliland ee dalka Imaaraadka, waxaanay wararku intaas ku dareen in wasiirrada qorshaynta Maxamed Qabo iyo warfaafinta Caddaani oo u soo diyaar garoobeen inay warbaahinta la hadlaan ay aad uga xumaadeen arrinkaas maadaama qorshihii ay ka hadli lahaayeen uu fashil ku yimi.

Comments

comments