War Deg Deg Ah: Muxu Daarna Kulankii Khadka telefanka Cali Guray Iyo Cali Khaliif

Siaaysiga Caanka ah ee mujaahid cali Yusuuf mr cali guray oo sidi caadad u ahayd soo bandhigay qoraal yaro kooban oo ku higaadinayey Pro Cali Khaliif Galaydh waxanu u soo dhigay sida Tan

HIMBIRIIRSI ARAG MAAHA
HUNUHUNUUNA HADAL MAAHA

Maanta nasiib wanaad afurka hortii waxanu khadka telefanka isku helay Madaxwayne Cali Khaliif Galaydh oo ah Madaxwaynaha Khaatumo hadal waayeelna wuu i yidhi. Cali wuxu ii sheegay runtiina ah in wixii ugu dambeeyay uu samayn karayay uu sameeyay oo uu yimi Hargeysa oo aanu filaynin in beryaahaa uu yimaado. Wuxu iigu maahmaahay maahmaahdii reer koonfureedka ee ahayd ” cimrigaaga oo raagay geel dhalaysana wuu ku tusaa” yacnii Cali Khaliif oo Hargeysa joogana wuu ku tusaa ayaan u qaatay. Malaha Isaaqow bay ku fiicnayde wuxu yidhi ninkii jiray ” habarjecloy horta marka la idin deldelayo maxaa dabada la soo giijisaan” anigu mar hadii Cali Khaliif uu hargeysaba joogo hawl isaga u hadhay ma jirto ayaan is leeyahay. Hadaba wixii dambe ee ka xumaada wadahadalka uu xukuunadda kula jiro masuul usagu kama noqon doono hadii ay wax ka xumaadaan ee hadaba ha la ogaado. Joogitaanka uu Cali Khaliif Hargeysa jooga Somaliland qofkii caqli lihiba wuu ogyahay dhabarjebinta ay ku tahay Muqdisho iyo Garooweba. Lakiin isma qabanayso in beesha dhexe ay iyada uun wax kala ridato dadkii eax la lahaa ee aanay waxba ka lahayna ka dhigto dad marti u ah oy ka doonto inay raali ku ahaadaan ilayn waxa la yidhi ” martiyi wixii la siiyana way cuntaa halkii la seexiyana way jiibsataa”. Waxan leeyahay hadii fursadani ay mar dambe lunto meel dambe oo laga soo qaban doonaa way adkaan talona waxa la yidhi waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo. Cal Khaliifna waa nin saraaxi ah oo waxa uu qabo aan cidna kala gabanin aniguba dadka sidaas ah isma af garanwayno kol hadii aanu afkana wax ka lahayn calooshana wax kale ku haysanin

Comments

comments