Somaliland: Gudoomiye Cirro Iyo Hogaamiye Xirsi Oo Safar Dheer Kadib Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabanaya

Waxa maanta safar dheer kadib dalka dib ugu soo laabanaya gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” iyo hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Labadan masuul ayaa muddo dhawr todobaad ah waxay safar shaqo oo la xidhiidha hawlaha xisbigooda waxay ugu maqnaayen dalka Imaaraadka Carabta iyaga oo halkaasina kula kulmay masuuliyiin kala duwan, xubno kamid ah xildhibaanada dalka Imaaraadka Carabta iyo masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga WADDANI ee dalka Imaaraadka Carabta.

Murrashax Cirro iyo Hogaamiye Xirsi ayaa munaasibada soo dhawayntooda waxa laga dareemayaa saaka caasimada Hargeysa,waxaana la filayaa in marka ay soo gaadhaan caasimada Hargeysa warbaahinta ay uga waramaan ujeedada socdaalkoodu daarnaa iyo waxyaalaha kasoo midho dhalay safarkoodii ay ku tageen dalka Imaaraaddka Carabta.

Comments

comments