Somaliland: Ciidammada Qaranka Oo Fasax Loo Siiyey Inay Tallaabo Ka Qaadaan Ciddii Xagal-daacisa Walaalaynta Beelaha Koonfurta SOOL + Nuxurka Arrimo Ku Sahabsan Laascaa,,

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo deegaanka Dharkeyn-geeye ee Koonfurta Gobolka Sool kulan kula yeeshay mid ka mid ah Waxgaradka Beelaha Walaalaha ah ee ay socoto dhamaystirka iyo hirgelinta Walaaleyntooda, ayaa ku war-geliyey in Ciidammada Qaranku amar ku haystaan inay qaadaan Tallaabo kasta oo ay Nabadgalyada ku sugayaan.

Wasiirka ayaa ka mid ah Masuuliyiin Xukuumadda ah oo Toddobaadyadii u dambeeyay Gobolka Sool u joogay hirgelinta Heshiis lagu soo Afjarayo colaad Muddo dheer dhex taallay labada Beelood ee Bahararsame iyo Qayaad (Dhulbahante), kuwaasi oo dhowr jeer ku dagaalamay deegaano ay Dharkeyn-geeye ka mid tahay.

Wasiir Faratoon oo hadal u jeediyey Shalay qaar ka mid ah Waxgaradka deegaanka Dharkeyn-geeye oo isaga iyo masuuliyiin kale Safar ku tageen sheegay in Ciidammada Qaranku aanay hadda ka dib u dul-qaadan karin Ciddii isku deyda inay Nabadgalyada labada Beelood kala saxeexdeen Hagal-daaciso oo ay Tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Haddii Ciidammada Qaranka ee idink ag-joogaa Awal odhan jireen yaanay idin dhibsanin imika waxay fasax u haystaan inay Nabadgalyada hirgeliyaan Ciidammadu, awooddooda ayay muujinayaan, fasaxna way u haystaan Tallaabadii ay Nabadgalyada ku ilaalinayaan”

Comments

comments