Sidee Ayey U Shaqeeyaan Askarta Ilaalisa Xajar Al-Aswadka Ku Yaalla Kacabada Barakaysan ?

Xajar Al-aswadka ku yaalla Kacbada barakaysan waa goobta uu qof kasta oo taga xaramka Barakaysan uu ku hammiyo inuu soo dhunkado oo uu qoorta la galo, waxaana jira ciidamo had iyo jeer u heegan ah inay hawshaasi kala wadaan sida uu sheegay afhayeenka Ciidammada Xaramka Saamix Al-salmi waxa aanu sheegay in askariga ku sugan goobtaasi uu ka masuul yahay ilaalinta Xajar Al-aswadka iyo inuu Dadka muslimiinta ah u tilmaamo sida ay u dhunkanayaan Xajar Al-aswadka iyo inuu cidhiidhiga ka ilaaliyo goobtaasi si aanay Dadku ugu waxyeeloobin.

Sidoo kale, Saamix Al-salmi waxa uu sheegay in askriga ilaaliya Xajar Al-aswadka saacad kasta la badalo sababta saacad kasta askari cusub loo keenaana ay tahay in la ilaaliyo awooda askriga si aanu uga caajisin amase uga daalin hawsha uu hayo, isagoo soo wargaliya haddii qof ka mid ah Dadka Dawaafaya uu suuxo ama xaalad caafimaad la soo daristo.

Xajar Al-aswadku waxa uu leeyahay ahmiyad gaar ah waayo waa goobta uu ka bilaabmo Dawaafku isla markaana uu ku dhammaado waxanay dadku ku soo ururaan goobtaasi si ay u dhunkadaan dhagaxa barakaysan ee Xajar Al-aswadka.

Comments

comments

SHARE