Hindiya : Nin Ku Nool Laba Wadne !

Dhakhaatiir ku nool Dalka Hindiya ayaa waxay sameeyeen qaliin cusub oo aan hore loogu  arag Qaarada Asia, kadib markii Nin u dhashay Dalkaasi ku beereen Waddne yar oo cusub isaga oo uu wadnihiisi hore u shaqaynayo sida lagu soo bandhigay Daily Mail oo Wargeyska Himilo soo Turjumay.

Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Suresh Da’diisuna tahay 45 jir ayaa muddo ka cabanayay waddne xanuun waxaanay dhakhaatiirtu u sheegeen in wadnihiisu aanu sidii loogu tala galay u shaqaynayn, isla markaana aan wadnihiisa hore laga saari Karin oo arrintaasi ay halis galinayso noloshiisa, balse xalka kaliya ee xaaladiisa lagu maarayn karaa ay tahay in waddne kale oo yar lagu beero oo lagu xidhiidhiyo wadnihiisii hore.

Dhakhaatiirtu Qaliinkaasi fuliyay waxay cadeeyeen inuu ahaa Qaliin aad u culus oo ay ku guuleysteen, suresh ayaa waxa uu haatan nool yahay isaga oo laba waddne leh waxanay dhakhaatiirtu cadeeyeen in xaaladiisa caafimaad ay sidii hore aad uga wanaagsan tahay, taasoo muddo lagu hayn doono dhakhtarka si loo la socdo xaaladiisa.

Comments

comments

SHARE