Somaliland: Wasiirka Caldaalada Oo Ka Hadlay Maxaabis Xukunkoodi Dhamaaday Oo Hadan Xidhan

Wasiirka wasaarada Cadaalada Somaliland Muddane Axmed Faarax Cadare oo ay hoos yimadaan wasaaradiisa maamulka xabsiyada dalku waxaa uu ka hadley maxbiis ku jirta xabsiyada kala duwan ee dalka kuwaas oo muddo dhaafa oo wakhtigii lagu xukumey in ka sii badan jeelasha ku jira .

Wasiirka oo ku sugan dalka Ingiriiska isla markaana u waramey telefishanka SAAB TV waxaa uu sheegay in ay arintaasi jirto sababta ay xabsiyada dalka ugu muddo dhaafeena ay tahay iyada oo loo haysto lacago deyn ah isla markaana xabsiga ku sii jira ilaa inta lacagta deynta ah laga bixinaayo marka uu xukunkoodu u dhamaado

Sidoo kale wasiirka cadaalada Somaliland ayaa waxaa uu bulshada Somaliland iyo dadka khayrka jecel ee muxsiniinta ah ugu baaqay in ay halkaas caawiyaan oo dadkaas deymaha lagu leeyahay ee xabsiga sida muddo dhaafka ah ugu jira ay ka bixiyaan deymahaas si loo soo daayo

Comments

comments