Somalia: Maxa Kala Qabsaday Farmaajo Iyo Kulankii Kismaayo ?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa fiidnimadii Salaasada ku dhex lugeeyey magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose kula kulmay shacab badan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wehlinayey madaxweyne Farmaajo, waxaana ay la shaaheen shacabka Kismaayo qaarkood oo ay is xog wareysteen.

Dhalinyarada uu Madaxweynuhu sheekada la wadaagey ayaa su’aalo weydiinaayey la xiriira nabadgelyada iyo shaqo la’aanta, Madaxweynaha ayaa dhankiisa ka codsadey in ay taageeraan dowladdda kana hor yimaadaan fikirada xagjirka ah ee nabadda wax u dhimaya.

Waa safarkii u horeysey ee Madaxweynuhu Kismaayo ku tago tan iyo markii loo doortey xafiiska Madaxweynaha, waxaa lagu wadaa in Madaxweynuhu maanta oo Arbaca dib ugu laabto Muqdisho.

Comments

comments

SHARE