Somalia: Hay’adda ICAO Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Dawladda Soomaaliya Oo Doonaysa In Lagu Wareejiyo Maamulka Hawada

Cadadka Bil Walba Hay’adda ICAO ka hesho Maamulka Hawada Dalalka Somaliland ka mid tahay

Hay’adda Maamulka Hawada sare ee Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee ICAO, ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya u bandhigtay Shuruudo ku xidhan in lagu wareejiyo Maamulka Hawada Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, kaasi oo Somaliland-na qayb ka tahay.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista hawada Soomaaliya Maxamed Axmed Salaad iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Toddobaadkan Safar ku tagay Magaalada Montreal ee Dalka Kanada, ayaa kulan uu yeeshay Madaxa farsamada ee Hay’adda ICAO Mr. Ivan Galan.

Weftiga Wasiirka Gaadiidka Hawada ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay Madaxa farsamada ee Hay’adda ICAO Mr. Ivan ee ay kulanka la yeesheen u bandhigeen Awood ay sheegeen inay Dawladda Federaalka Soomaaliya xilligan u leedahay inay Maamusho Hawada Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, sidaa darteed ay doonayaan in wakhtigu dhakhsaha badan lagu soo wareejiyo Maamulka Hawada, wallow Hay’adda ICAO ogtahay khilaaf arrintaasi ku saabsan oo u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo xilligan kala Madax-bannaan.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxa Farsamada ee Hay’adda ICAO, Mr. Ivan Galan oo hadalka ku dambeeyay uu u sheegay Weftiga ka socday Soomaaliya in Wareejinta Hawada Soomaaliya ku kici doonto Lacag dhan $12 Milyan oo Dollar, taasi oo laga rabo inay bixiso Dawladda Soomaaliya ee iyadu u ololeynaysa in lagu wareejiyo Maamulka Hawada.

Mr. Ivan Galan ayaa sidoo kale sheegay in Kharashka ay bishiiba ka ururiyaan Hawada Dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay Somaliland-na ku jirto uu yahay $1.2 Milyan oo Dollar.

Hasa-yeeshee, wuxuu Warku intaa ku darayaa in Wasiirka Gaadiidka Hawada Soomaaliya uu ka biyo diiday Qorshaha ay hay’adda ICAO soo bandhigtay, wuxuuna u sheegay madaxda hay’adda ICAO in Soomaaliya uu isbedel dowladeed ka dhacay, kana go’an tahay inay Maamulka hawada soo ceshato, waxaana la weriyey inuu u gudbiyey Qorshe cusub oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya diyaarisay, kaasi oo ah sida ay doonayso inay u Maamusho Hawada.

Ugu dambayn, Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulista Hawada ee ICAO ayaa waxaa ka dhex aloosan muran ku saabsan soo wareejinta maamulka hawada Soomaaliya oo soo jiitamayey in muddo ah, laakiin Hay’adda ICAO ayaa doonaysa in Somaliland iyo Soomaaliya oo Maamulka Hawada ku muransani ku heshiiyaan, maaddaama oo Xilligan aanay Somaliland ka mid ahayn Soomaaliya isla-markaana doonayso inay Hawadeeda si gaar ah u Maamulato.

Comments

comments

SHARE