Somalia: Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay khilaafka wadamada Khaliijka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay khilaafka siyaasadeed ee ka dhax taagan wadamada Khaliijka, iyada oo sheegtay in ay ka walaacsan tahay xiisada jirta.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dwladda Federaalka ku baaqeyso in khilaafka lagu dhameeyo wada hadal iyo is faham.

Mowqifka dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka ayaa ah mid cad oo ay ku muujineyso in aanay dhinacna ula safneyn dowladaha khilaafka u dhaxeeya.

Tr. June 07, 2017
Muqdisho – Soomaaliya

War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah)

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Dowladaha Carabta ee walaalaha ah.

Dowladda federaalka waxaa ay dhinacyada ugu baaqeysaa in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku waxey diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.

Comments

comments

SHARE