Qisada Ku Duugan Taariikhda 11ka Bisha Ramadaan Ee Lagu Xasuusato?

Taariikhda bisha Ramadaan ee barakaysan xambaarsantahay aad ayay u badan tahay, balse waligaa ma isweydiisay maxaa lagu xasuusataa maalinta 11 bisha Ramadaan oo ku beegnayd shalay, maalinta 11 bisha ramadaan markaynu taariikhdii hore dib u raacno waxa dhacay dhacdooyin aad u badan waxaana ka mid ahaa dhacdooyinkaasi uguna muhiimsanaa, waa maalintii uu Nebi Maxamed NNKH guursaday Saynab Bintu Khusayma sanadkii 3aad ee Hijriyada, sidoo kale maalintaasi oo kale waxay ku beegnayd maalintii ay weftigii la odhan jiray Thaqif ay u yimaadeen Nebiga NNKH sanadkii 9aad ee Hijriyada, waxaana ka mid ahaa weftigaasi hoggaamiyayaashii reer Bani Maalik iyo kuwii ku bahoobay waxaanu Nabigu usoo dhaweeyay si wanaagsan waxa aanu u dhisay taandhooyin uu ugu tala galay inay ku nastaan isla markaana ay arkaan sida qur’aanka loo akhrinayo iyo sida loo tukanayo, sidoo kale waxay maalintaasi ku beegan tahay maalintii Suldaankii Cusmaaniyiinta ee la odhan jiray Saliim Al-awal uu galay magaalada Dimishiq sanadkii 922 Hijriyada kadib markii ay wada qabsadeen Cusmaaniyiintu dhammaan magaalooyinka Dalalka Shaam kuna guuleysteen inay gacanta ku dhigaan.

Comments

comments

SHARE