Lionel Messi oo Arooskiisa ku casuumi diiday tababarihiisii hore ee Luis Enrique…(Waa goorma aqal galka Messi iyo Antonelle Roccuzzo?)

GRA303 SEVILLA 06 11 2016 - El tecnico del F C Barcelona Luis Enrique y el delantero argentino del equipo blaugrana Leo Messi durante el encuentro correspondiente a la jornada 11 de primera division que han disputado esta noche frente al Sevilla en el estadio Sanchez Pizjuan de la capital andaluza EFE Jose Manuel Vidal

Lionel Messi ayaa arooskiisa ku casuumi diiday tababarihiisii hore ee Luis Enrique sida ay sheegayaan warar ka imaanaya dalka Spain.

Xiriir qurxoon ma aysan lahayn labadooda intii ay wada joogeyn Camp Nou, iyadoo la wariyay in Enrique uu qarka u fuulay in kooxda laga ceyriyo bartanka kal ciyaareedkiisii ugu horreeyay kaddib markii ay waxyaabo badan isaga hor yimaadeen xiddiga reer Argentina.

Messi ayaa guursan doona gacalisadiisa Antonelle Roccuzzo 30 ka bisha June xafalad ka dhici doonta dalkiisa hooyo taa oo uu ku casuumay 21 ka mid ah saaxiibadiisa kooxda.

Sidoo kale wuxuu casuumaad u fidiyay dhowr ka mid ah shaqaalaha kooxda, laakiin uma uusan yeerin Enrique iyo shaqsi ka mid ah agaasimayaasha sare ee kooxda reer Catalonia.

Rugcadaagii hore ee Barca Xavi ayaa qudhiisa wax casuumaad ah u fidin tababarayaashiisa markii uu guursanayay, laakiin xiddiga reer Spain ayaa goob joog ka ahaan doona xaflada aroos ee saaxiibkii Messi.

Xiddiga 5 ta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa ka codsaday martida ka soo qeyb gali doonta arooskiisa inay wax ugu deeqaan ururadiisa samafalka halkii ay lacago badan ku beeli lahaayeen hadiyadaha arooskiisa.

Comments

comments

SHARE