Deg Deg: Muxu Daaran Yahay Heshiiska Somaliland Iyo Djibouti Ay Kala Saxeexdan ? Nuxurka Qodabada Heshiiska

Wasaaradda Duulista Somaliland Oo doonaysa In IGAD ka caawiso Qalabka Saadaasha Hawada

Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Gaadiidka ee Dalalka Jabuuti iyo Somaliland ayaa Magaalada Jabuuti ku kala saxeexdeen Heshiis iskaashi oo dhinacyo badan taabanaya.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Jabuuti, isago oo uu weheliyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed.

Wasiirka Duulista Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Halkan waxaanu ku nimid Marti-qaad Rasmiya oo aanu ka helnay Wasiirka Gaadiidka Jabuuti, qorshaha waxa noogu jiray inaanu marka aanu dhamaysanno Heshiiska Wasaaradda Gaadiidka Jabuuti aanu la kulanno Urur Gobolleedka IGAD oo uu jiray Wada-hadallo hore oo noo socday, kuwaasi oo ahaa inay noo qalabeeyaan Qaybta Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Duulista Hawada oo aanu Qalabkeedaba aanu beryahaaba ka sugaynay.”

Wasiir Haybe waxa kale oo uu faahfaahiyey kulan uu la yeeshay Wasiirka Gaadiidka Jabuuti, “Wasiirka Gaadiidka Jabuuti markii aanu soo degnay isagaa Madaarka nagu qaabilay, markaasi ka dib ayaanu Wasaaradda ku galnay Shir qaatay Saacad iyo badh, waxaanu isla eegnay Heshiiska qaabkiisii hore, waxa ila socday Agaasimaha waaxda Saadaasha Hawada, ILAAHAY Mahaddii waanu saxeexnay Heshiiskaasi, heshiiskaasina waa Heshiis iskaashi oo dhinacyo badan taabanaya, ku talo galkuna waa sidii la iskaga kaashan lahaa loona wadaagi lahaa Aqoonta iyo Xogta iyo tababbarada labada dhinacba la iskaga kaashan lahaa, maaddaama oo Jabuuti naga yar horeyso oo ay u dhisan yihiin imkaaniyaadkii, oo ay naga caawiyaan wixii Suurto-gal ah.” Ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland.

Comments

comments