War Deg Deg Ah: Wasiir Fartoon Dagaalka Waanu Cadaysanay Mana Deyn Karayno Waayo Waan La Dhalanay Xa,,,

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Si Cilmiyeysan Uga Hadlay Dagalka Iyo Shiqaada Had Iyo Jeer Ku Soo Laab-Laabataha Koonfurta Gobalka Sool Blse Muxu Ka Yidhi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Prof, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon),ayaa sheegayis rasaasayn ka dhacday degmada Adhi Caddeeye ee gobolka Sool in ay sababay dhaawaca dhawr qof isla markaana ciidanka booliska iyociidanka qarankuba in ay ka hawlgaleendadna loo xidh xidhay xaaladuna ay degen tahay.

Waxaa kaloo uu ka hadlay nabadayntii ay labadii beelood ee dirirtu ku dhex martay gobolka Sool halka ay marayso iyo deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Sool oo ay iskaga dabqaadeen kulammana ay kula yeesheen labada beeloodmadaxdhaqameedkooda iyo magaalooyinkii colaaddu ay saamaynta ku yeelatayee lagu kala qaxay oo ay isugu soo celinayaan dadkii dirirtu kala rartay.
Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka telefoonka ku siiyay wargeyska Dawan isagoo ku sugan gobolka Sool.

Ugu horrayn Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay toogasho ka dhacdaydegmada Adhi Caddeeye,wuxuu yidhi; “Degmada Adhi Caddeeye is rasaasayn ayaa galabta(shalay) ka dhacday waxaana ku dhaawacmay dhawr qof waxaana halkaa ka jirtay xaalad laba beelood u dhaxaysay oo horena ay wax uga dhex dhaceen taasoo la xidhiidha arrimo deegaan iyo dhul waxaana hore arrinta u galay madaxdhaqameed iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda markaa dhibaatadaa horena dawladdu way u gashay oo way isu keentay dhinacyadii ay wax ka dhex dhaceen imikana galabta(shalay)ayay wax dhaceen.

Markaa talaabadii ugu horreysay ee aanu qaadnay waxay ahayd in xaaladda gacanta lagu dhigo waxaanan hawlgalinay ciidankii qaranka iyo booliska oo goobta gaadhay dad loo xidhxidhayna way jiraan intaa wixii ka dambeeyana aroorta(maanta) ayaa la gali doonaa waxaanan hadda u dirnay madaxdhaqameedkii deegaanka iyo labada dhinac oo aanu farnay in ay nabadgelyada ka sii hawlgalaan oo ay ciidanka la shaqeeyaan.”

Wasiirka oo ka hadlayay nabadayntii labada beelood halkay u maraysoiyo socdaallo ay ku marayeen deegaano ka tirsan bariga gobolka Sool,ayaa yidhi. Dabataag shay(Dorraad) ayaanu marnay xalay(habeen hore) Saaxdheer ayaanu joognay caawana(xalay) waxaanu joognaa Dharkayn geenyo labadii deegaan ee labada belood ee colaaddu ka dhex dhacday labadoodi deegaan ayaanu midna xalay(habeen hore) joognay midna aanu caawa(xalay) joognaa waxaanna wadnaa in nabaduay noqoto mid waarta oo hirgasha waxaanan doonaynaa ni dadkaa walaalaha ah ee dhibaatadu ka dhex dhacday ay sidaa ku dhamaato sababtoo ah dhibaatada meesha ka dhacday waa mid sanada iyo

dheeraadsoo socotay oo intaaba nabadayn laga dhex waday marar badana go’aamo la isla qaatay iyo tallaabooyin la qaaday waxbaa ka soo noqday markaa imika inaan loo kala tegin in dadkaa walaalaha ah la ala bogsiiyo qorshahayagu weeye waxaanu la kulanay madaxdhaqameedkii labada beelood dhankodana way ka go’antahay in lagu dhaqmo go’aamada iyo xukunka laga soo saaray dhammaynta colaadda sababtooah waa colaad ay ku dhaawacmeen ugu yaraan dad ku dhaw 200 kuna dhinteen dad kor u dhaafay 80 qof xukunkii ka soo baxay iyo nabaduna in ay fusho ayaa ka go,an Xukuumadda waxaanan wadnaa in berry(maanta aanu isugu soo celino tuulooyinkii magaalooyinkii lagu kala qaxay ee dirirta colaaddu ay dadka walaalaha ah ku kala kaxaysay waana arrin ay ka wada shaqaynayaan culimo awdiin iyo madaxdhaqameed meelo badan oo Somaliland ah ka soo kala gurmaday iyo xukuumadda Somaliland.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...