Toonta Oo La Ogaaday Inay La Dagaalanto Cayayaanka Caloosha Ku Dhasha.

215

Gooryaan calooleedku waa gooryaanka ku dhasha Caloosha qofka waxaana arrintaasi ka dhasha dhibaatooyin caafimaad oo tira badan ,arrinta kale ee halista ayaa waxa ay tahay in gooryaankani uu awood u leeyahay in uu ku dhex noolaado caloosha qofka kuna dhex tarmo, sidoo kale waxa jirta arrin ayna dad badan oo inaga mid ahi ogayn arrintaasi oo ah in gooryaankaasi uu dadka u kala gudbo waxaana astaan u ah qofka ay coolshiisa gooryaanka noocaasi oo kale ahi ku noolyiiin in uu dareemo xanuun aad u badan oo ka qabta caloosha iyo sidoo kale majiir caloosha ah, haddaba toontu waxa ay dawo ka tahay gooryaankaasi habka ugu haboon ee loo adeegsan karo toonta si looga hor tago gooryaankaasi waxa ka mid ah in marka caanaha la dirinayo lagu dhex daro kadibna la cabo ,sidoo kale dadka saliid saytuunta waxa ku cun way ku darsan karaan, haddaba waxa haboon in dadka dhibaatadaasi ay haysato ay talaabooyinkaasi qaadan si ay uga badbaadaan dhibataadaasi caafimaad.

 

Comments

comments