Somalia: Shirkada Qatar Airways oo tiro ka badan intii hore isticmaashay hawada Soomaaliya

Sarkaal sare oo u hadlay DF Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan 15 duulimaad oo shirkadda Qatar Airways ah isticmaaleen hawadda Soomaaliya  maalin kaliya, tan iyo markii uu bilaawday qalalaasaha ka jira wadamada Khaliijka.

Sarkaalka oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in ka hor inta aysan bilaaban xiisada jirta Gacanka hawadda Soomaaliya isitcmaali jireen hal ilaa labo diyaarood ama duulimaad oo ah shirkadda Qatar Airways maalintii oo kaliya.

Arintan ayaa ka danbeysay kaddib markii qaar ka mid ah wadamada Khaliijka sheegeen in ay marinkooda hawadda ka xiranayaan duulimaadyada shirkadda Qatar Airways, waxaana dalalka sidaa ku dhawaaqay ugu horeeya dowladda Masar oo laga yaabo in ay maanta hergaliso go’aankaa.

Comments

comments

SHARE