Messi iyo Di Maria oo ka qeyb qaatay tababarkoodii ugu horreeyay ee macalinka cusub ee xulka Argentin

124

Xulka Argentina ayaa goor dhaweyd xilkooda tababaranimo u dhiibay macallinka waaya araga ah ee Jorge Sampaoli.

Lionel Messi iyo Angel Di Maria ayaa tababarkoodii ugu horreeyay la qaatay tababaraha cusub xilli ay isku diyaarinayaan kulanka wayn ay Jimcaha la yeelan doonaan xulka Brazil.

Kulanka saaxiibtinimo ee labada xul ayaa waxaa u soo daawasho tagi doona  99,000 oo taageerayaal taa oo tijaabo culus u noqon doonta Jorge Sampaoli.

Sawirada ayaa ka muuqanaya in Messi iyo Di Maria ay si gaar ah isugu dhow yihiin iyadoo ay jireen warar sheegaya in xiddiga Barcelona uu ku qal qaalinayo Di Maria inuu kula soo biiro kooxda reer Catalonia.

 

 

Comments

comments

SHARE