Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Dalka Angola Oo Walaac Ka Muujiyay Madax-bannaanida Guddiga Doorashooyinka Dalkaasi.

Xisbiga mucaaradka oo ay weheliyaan kooxaha bulshada rayidka ah ee Angola ayaa walaac ka muujiyay madax-bannaanida Komishanka doorashooyinka ka hor doorashooyinka muhiimka ah ee ee bisha August.

Ugu yaraan 4,000 oo Angola ayaa socod ku mareen wadooyinka Luanda, si ay u dalbadaan doorasho caddaalad ah marka uu Madaxweynaha Jose Eduardo dos Santos oo lagu wado in uu iska casilo xilka ka dib 38 sano oo uu xukunka dalkaasi hayay.
Dibad baxa ayaa inta badan ka mamnuuc ah dalkaasi Angola laakiin dibad baxan oo ay soo qabanqaabiyeen xisbiga mucaaradka UNITA, ayaa loo fasaxay inuu qabsoomo.
Dibad baxa ayaa waxaa lagu cambaareenayaa nidaamka musuqmaasuqa oo ay wadaan shirkadaha ka qayb-galaya doorashada kuwaas oo horay loogu eedeeyay musuqmaasuq doorashooyinkii 2008 iyo 2012. Ayuu yiri hogaamiyaha UNITA Isaias Samakuva. “

Comments

comments

SHARE