War Deg Deg Ah: Madaxweyne Gaas Oo Isku Shandheyn Balaadhan Sameyey

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay Golihiisa waasiirada, waxaa uu magacaabay tiro wasiiro ah , oo isugu jirta wasiir , wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal,

Wasaarada warfaafinta oo muddo bilaa wasiir ahayd ayaa ka mid ah wasaaradaha wasiirka loo magacaabay, sidoo kale waxaa lasoo kordhiyey wasaarad cusub oo ah wasaarada dib u dhiska iyo horumarinta Puntland.

Wasiirada La magacaabay:-

Cabdiraxmaan Barkhad Warsamewaxaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta Puntland.

Cabdikhadar faarax shaaciyewaxaa loo magacaabay wasiirka dib u dhiska iyo hormarinta Puntland (Waa wasaraad cusub).

Xildhibaan hore , Yaasiin Cabdi seedwaxaa loo magacaabey wasiirudowlaha wasaarada waxbrashada iyo tacliinta sare .

Cabdisalaan bashiir cabdisalaanwaxaa loo magacaabey wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada Puntland

Cabdirashiid Cali Geelewaxaa loo magacaabey wasiiru dowlaha Amniga

Cabdi fitaax Xasan Xuseen Waloore waxaa loo magacaabey wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Puntland.

Aamino Maxamed cabdulaahi (Wasiir ku xigeenkii hore ee caafimaadka) waxaa loo magacaabey wasiir ku xigeenka wasaarada dulista hawada iyo garoomada Puntland.

Cabdi wali maxamed yuusufwaxaa loo magacaabey wasiir ku xigeenka wasaarada howlaha guud iyo gaadidka

Comments

comments

SHARE