Somaliland: Xaaladihii U Danbeeyey Ee Deegaanka Adhi-cadeeye Oo Shalay Shaqaaaqo Ka Dhacday Iyo Ciidamada Oo Dad U Xidh-xidhay Shaqaaqadan

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool soona gaadhaya Wargane.com ayaa waxay sheegayaan in xaaladda guud ee deegaanka Adhi-cadeeye ee gobolka Sool oo shalay ay shaqaaqo koobani ku dhex martay labada Beelood oo walaalo ah ay wakhti xaadirkan tahay mid dagan wallow laga dareemayo sansaan dagaal.

Xaaladda guud ee deegaankan ayaa waxa gabi ahaanba la wareegay ciidamada Qaranka Somaliland iyo ciidamada Booliska iyaga oona kala dareeriyey sida naloo sheegay ciidamado maleeshiyaadkii halkaasi ay dirirtu ku dhex maraysay ee is horfadhiyey,waxaana ay ciidamadu sida oo kale shalay galab ilaa xalay ay shaqaaqadan u qabqabteen dad tiro badan oo qaarkoodna xaaladd amni loo qabqabtay qaarna lagu soo eedeeyey inay ka danbeeyeen kicinta shaqaaqadani.

Shaqaaqadan dhex martay labadan Ardaa ayaa ka danbaysay kadib markii muran iyo isqabsi ka dhashay dhul kuyaala deegaanka,waxaana deegaanka Adhi-cadeeye xalay gaadhay madax-dhaqameed tiro badan oo ka kala socday labadan Ardaa ee shaqaaqada koobani dhex martay iyada oo hore loo xaliyey shaqaaqo sidan oo kale u dhex martay labadan Ardaa.

Xaaladda guud ee deegaanka ayaa hadda ah mid dagan,waxaana la filayaa in ay maanta gaadhaan wasiirka arrimaha gudaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo oo iyagu u jooga soo afjarida colaadii mudada dheer ka dhaxaysay labada beelood ee koonfurta gobolka Sool (Baharsame iyo Qayaad).

Comments

comments

SHARE