Somaliland: Xaalada Dhabta Ee Ka Jirta Burco, Heerka Uu Marayo Cudurka Shubanku , Sida Loola Tacaalayo Iyo Cida La Tabaayo Wali.

Afartii cisho ee udanbaysay Magaalada Burco waxay ku jirtay Xaalad Degdega taas uu sababay Cudurka Shubanka ee ka dilaacay magaalada Burco oo sare u kacay isla markaana galaaftay dhimashada dad kabadan 100-qof sidoo kalena soo ritay in kabadan 3500(sadexkun iyo shan boqol oo qof) ,

Wasaarada caafimaadka Somaliland oo garab ka helaysa dhakhaatiirta ma guurtada ah ee gobolka togdheer iyo iyo qaarkamida Hay,adaha Samaflka ayaa dhamaantoodba heegan xoog leh ugu jira sidii loo xakamayn lahaa xanuunka, loona yarayn lahaa dhimashada dadka uu soo ritay xanuunku.

Sidoo kalena maamulka gobolka togdheer (Badhasaab Ramaax) iyo Golaha Deegaanka burco ayaa iyana ku jira halgan adag oo lagula dagaalamayo xanuunkaasi.

Wasiirka caafimaadka dr salebaan ciise axmed kaar( xaglo toosiye) ayaa fadhiisin ka samaystay Magaalada Burco, waxaanu uu wasiirka iyo isuduwaha caafimaadka Togdher dr yuuusuf dirir ay yihiin masuuliyiinta saacad kasta hagaya shaqada culus ee ka socota goobaha caafimaadka Burco.

Waxa iyana aan meesha ka maqnayn gurmadka uu ku jiro Taliyaha guud ee ciidanka asluubta Somaliland sareeyo guuto Maxamed Cismaan Xudhuun oo wata dhakhaatiir ugaara siweyna ula tacaalaya xakamaynta xanuunka oo gaadhay maxaabiista ku jirta xabsiga wayn ee Burco,

Iyadoo ay jiraan dedaalo badan iyo hawlgalo farabadan oo ay samaynayaa dhamaan qaybaha aanu soo sheegnay ee ku sugan Burco oo la tacaalaya xakamaynta Xanuunka Shubanka, ayaa hadana Marka Xaqiiqada lagu Dhawaado Tan iyo markii afar cisho ka hor (31May ee 2017) Magaalada Burco lagu soorogay xaalada degdega ah waxa marba marka kadanbaysa sare ukacayay dadka uu soo ridanayo xanuunka shuban biyoodku

Habeenimadii xalay ee udanbaysay qof kasta oo ku sugnaa Burco, waxaa lasoo deristay cabsi iyo wel wel wayn, kadib markii dhagaha dadka ay barjeeyeen kuna bateen dhawaaqa, qaylada iyo dhiilada Gawaadhida Amblance ta ah ee guraya dadka uu shubanku soo ritay oo laga soo daadguraynayo xaafadaha magaalada Burco.

Si kastaba xaaladu ha ahaatee waxa guud ahaanba dadka reer Burco Tabayaan in aan sidii loogu baahnaa loogu wada gurman bulshada Burco ee cudurka shubanku haleelay,

In kastoo ay jiraan taakulo dawooyin dhawra oo labadii cisho udanbeeyay soo gaadhay wasaarada caafimaadka , ayaa hadana dawooyinkaasi aanay ahayn kuwo kafaalo qaadankara bulshada Burco ee Shubanku kusii faafayo,

Waxa siweyn loo tabayaa oo aan indhaha laga qarsan Karin kaalintii ay xukuumada iyo xisbiyada qaranka oo isku dhani ay ka gaabiyeen inay si dareen leh muragada iyo dhibta ula qaybsadaan uguna gurmadaan walaalahooda reer Burco ee Shubanku Asiibay.

Waxa Kale oo iyana siweyn loo tabayaa kaalintii ay ganacsatada dalka iyo qurba joogtua ugu gurman lahaayeen dadkaasi oo iyana meesha ka maqan wali.

Ugu danabyntii magaalada Burco wali waxay ku jirtaa xaalad Deg dega, bulshada Burcana kamay quusan Gacanta Wayn ee Alle(SWT).

Balse Cudurka Shubanka Burco ka jira wali wuu sii faafayaa mana aha mid lasii eegan Karo . Cidna Uma Maqna Ceelna Uma Qodna aan adiga ahayn ee ka qayb qaado wixii aad ku tari kartid walaalahaa.

Comments

comments

SHARE