Somaliland: Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan Oo Shacbiga Somaliland Ka Tacsi yadeeyay Geerida Mujaahid Ooto Biixi.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa dhanbaal tacsi ah u diray eheladii, qarabdii iyo shacbiga Somaliland isagoo ka tacsi yadeeyay geerida ku timi Marxuum Mujaahim Maxamed Biixi Caalin (Ooto Biixi) oo ka tirsana Xisbiga WADDANI, kuna geeriyooday Magaalada Hargaysa.

Hoggaamiye Xirsi Cali Xaji Xasan wuxuu ku tilmaamay Marxuum Maxamed Biixi Caalin, shakhsi dhalinyaranimadiisi iyo naftiisiba u soo huray waddanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale wuxu alle uga baryay qoyskii, caruurtii iyo eheladii uu ka baxay inuu samir iyo iiman ka siiyo marxuumkana jannadii fardawsa ka waraabiyo.

Inaa Lillaahi Waa Inaa Ilayhi Raajicuun.

Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Comments

comments